NugaalPost
welcome to Nugaalpost
05/08/2019
Roobabka gu’ga oo ka da’ay degaanno kamid ah Puntland
Roobabkii xalay ka da'ay gobolka Cayn
Degaannada xalay roobku miray waxaa kamid ah: Dan-Dan, Sarmaan, Dhillaalo, Balli-cad, Carra-weyn iyo Banyaal oo dhammaantood ka tirsan gobolka Cayn, inkastoo roobabka halkaasi ka da’ay ay kala duwan yihiin, iyadoo meelaha qaar doogsimo keliya laga soo sheegayo, halka degaanna kalena ay roobab badan ka da’een.
Tuulooyinka Dan-Dan, Balli-cad iyo Dhillaalo ee gobolka Cayn iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, ayaa waxa isu raacay roobabkii gu’ga oo mir iyo mayay leh(bariise), kuwaasi oo buuxiyay balliyada, saaxaha iyo gal-gelimaha sida lagu soo warramayo.
Gardafuu Media
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Minneapolis, MN
55454