Farjano media

Farjano media

Share

farjano media waxaad ka helaysaa warar sugan

08/01/2023

War Deg Deg ah: Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uu gadhwadeenka ka yahay ayaa shaacisay in ceelkii laga qoday Deeganka Baho-dhamal ee Degmada Salaxlay uu noqday Ceel shidaal.

Xukuumada ayaa sheegtay inay ku ogaatay badhitaano la sameeyay ka dib islamarkaana la bilaabayo qodista Ceel-shidaaleedkaasi.

Somaliland ayaa noqonaysa dal qani ah sida dalalka Shidaalka leh marka Shidaalkaasi la soo saaro.

02/11/2022

Sida aynu kabaranay taariikhda,dhacdooyinka xeeladaha dagaalka iyo siyaasaduba Uma malaynaayo inuuu waqti dheer jiro karo heshiiska Ay wada gaadheen Tplf iyo dowladda Ethiopia 🇪🇹 anooku qodobaynaayo sidan
1 awoodda ciidamada Tplf oo hoos u dhacday
2 kala shiki ka dhex jiri doona labada dhinac
3Abi waxuuu indhaha caalamka ka jeedinayaa xukuumadiisa si aan loo Odhan heshiis marabo
4 Eritrea 🇪🇷 Raali k**a ah heshiiskan waxkastiba haku kacee daaha gadaashisa ayay fadhidaa

Photos from Farjano media's post 02/11/2022

Wadanka uganda waxaa lagu xidhay nin iska dhigaayay naag markii uu ka shikiyay ninka saaxiibka la ahaa

05/10/2022

Ninka ka adkaan waayay pogga villad passwordka dal dhan siduuu umaamilikaraa canbuuladu ha dhacdo

01/10/2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Sheegay in ay diideen in iskuulada Ruushka Caruurta Lagu Baro Dhaqanka " Khaniisnimada "

Wuxuu kaloo ku eedeeyey Reer Galbeedka in ay Ka Tageen Qiyamkii Qoyska , Wuxuu Kaloo yiri Shacabka Ruushku Marnaba Ma Aqbali Doonaan Dhaqamada Xun xun ee ay Reer Galbeedku Wadaan.

30/09/2022

War Deg Deg Ah: Kabtanka Ciidanka Burkino Faso Oo Ku Dhawaaqay Inqilaabkii Dawladii Milateriga Ahaa

Kabtanka ciidamada Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa xilka ka tuuray hogaamiyihii militariga Paul-Henri Damiba wuxuuna kala diray dowladda wuxuuna laalay dastuurkii iyo axdigii KMG ahaa, ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray oo laga akhriyay taleefishinka qaranka fiidnimadii Jimcaha.

Traore ayaa sheegay in koox saraakiil ah ay go’aansadeen in ay xilka ka qaadaan Damiba sababtuna ay tahay in uu awoodi waayay in uu wax ka qabto kacdoonka islaamiga ah ee sii xumaanaya. Waxa uu ku dhawaaqay in xaduudaha la xiray muddo aan la cayimin, isla markaana la hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii siyaasadda iyo bulshada rayidka.

Waa markii labaad oo muddo siddeed bilood ah ay la wareegto dowladda Galbeedka Afrika. Damiba ayaa xukunka kula wareegtay bishii Janaayo afgambi xilka looga tuuray madaxweynihii h**e ee Roch Kabore, iyadoo sidoo kale qeyb ka ah niyad jabka amni darada ka sii daraysa.

Sheekada Reuters

30/09/2022

Allaha Unaxariisto Gen Farxaan Mohamud (Qaroole) oo goordhow ku dhintay Qarax miino lagula eegtay Gaarigiisa isaga iyo kolonyadii lasocotay.

Gen Farxaan wuxuu kamid ahaa saraakiisha Ciidamada Qaranka Kuwooda ugu firfircoon.

30/09/2022

Ciidanka Boliska Haramcad ayaa saakay la wareegay deegaanka Basra oo ah deegaan isku xira Labada Shabeelle, muhiimna u ahaa kooxda AS.

Howlgal ay ciidamada saakay alasey kula kallaheen ayey si buuxda ula wareegeen deegaannada kala ah, Basra, Sapyo, Bahdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow iyo Buula Xansholey, kuwaas oo dhammaantood ku teedsan Wabiga Shabeelle.

28/09/2022

Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 Qarax oo Shabaab u qorsheeyeen Puntland iyo Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 qarax oo Alshabaab u qorsheynaysay inay weerarro uga geysato magaalooyinka Puntland iyo Somaliland.

Taliyaha ciiddanka Booliiska Puntland ee gobolka Mudug, gaashaanle sare, Muumin Cabdi Shirre ayaa warkaas saxaafadda ka sheegay, isagoo sheegay inay fashiliyeen 2 shakabad oo qaraxyadaas u xilsaarnaa.

Dhinaaca kale, taliyaha ciiddanka Booliiska gobolka Mudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan dadkii fuliyay saddexdii dil ee dhawaan Alshabaab ay ka geysteen magaaalda Gaalkacyo.

Gaashaanle sare, Muumin Cabdi Shirre wuxuu sheegay Alshabaab inay dilalkaas ugu talo galeen inay beelaha isaga horkeenaan oo collaad dhex dhigaan.

“Alshabaab waxay dileen saddex qof. Labo qof oo kamid ah waxay ula jeedeen inay dadka isku dhuftaan. Nin nabaddoon ah baa la dilay. Ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in beel kale dusha loo saaro,’ ayuu yidhi, taliyaha booliiska gobolka Mudug.

Muumin Cabdi Shirre wuxuu sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato howgallada Galmudug ka socda ee Shabaab looga xoraynayo dhulka ay haysteen.

26/09/2022

Ilaa iyo Hargaysa hala eryado al-Shabaab waa halkii ay ka yimaadeen Taliyaha ciidanka asluubta...shub

22/09/2022

Muqdisho ilaa gobollada dhexe.

8-sano sano kaddib ayeey markale maanta suurta gashay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay gaaraan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Gaadiidkan oo ah kuwa culus ee ciidamada xoogga dalka ayaa loogu talo galay ciidamada qeybta 21-aad oo aan horay u heli jirin gaadiidka culus iyo kuwa gaashaaman ee ciidanka marka laga reebo Gaadiidka Cabdi Bile-yaasha oo diyaarado looga dajin jiray maadaama ay Shabaab haysteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada dhexe.

Gaadiidkan iyo ciidanka Soomaaliyeed ee galbinaya ayaa wax ka yar 7-maalin u tagay Guriceel waxa ayna durba u gudbeen deegaanada Beriga Galguduud si ay uga qeyb qaataan baacsiga Al-shabaab.

Sanadkii 2014-kii ayaa u dambeysay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay tagaan gobolada dhexe ee dalka taasi oo muujineysa sida Al-shabaab u lumiyeen deegaanadii ay kaga dhuumaaleysan jireen wadada dheer ee Muqdisho iyo Galmudug.

13/09/2022

Kuliyada Turkisom Ayaa Tababar Kusaab Sanaa ViP Protection iyo Ka Hortaga Weerarada Deg Deg Ah Loogu Soo Xiray S/kill Xigeeno Katirsan Ciidanka Gaarka Ah Ee Boliiska Haramcad

Saraakiil Xigeenadaan Oo Loogu Talagalay In La Dhiso Aqoontooda Hogaamineed

Sidookalana Sameeyaan Foojignaan Dhanka Shaqada Aha Ayaa waxaa Xaflada Qalinjibinyoda Kasoo Qaybgakay Saraakiisha Ciidanka Ozil Harakaad Ee Dalka Tutkiga ,macalimiintii U dhalatay dalka Turkiga Ee Tababarka Bixisay , Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska ahna Kusimaha Taliyaha Boliiska iyo Taliyaha Ciidanka Gaarka Ah ee Haramcad Ahna Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliisk Gobolka Banaadir

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Kampala?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Kampala