Mohamed Cusaybe

Mohamed Cusaybe

mohamed abdi cilmi (cusaybe) kunool dalka south sudan

waxan ad iyo aad u jeclahay inaan ka qayb qaato horumarinta diintena dalkeena iyo dadkaygaba somaliyeed meelkasta oo ay joogaan dunida baahnsan thank all of you brothers and sisters

24/08/2022

Dagaalka ay Damul-jadiid kasoo abaabulayaan Xamar iyo Media ku aadan Ahmed Madoobe iyo Lafta-gareen lagu guulaysan maayee maa la iska daayo
kicin shacab,iska horkeenid Maamul horay baa looga quustay in Natiijo lagu helo
Nin ay Xamar nabadeen ooga baahantahay in Baydhabo u talaabsado waa qalad
Damul-jadiid aragti siyaasadeed uma kordhin Shantii sano oo ay Garoonka Villa Somalia ay banaankiisa ku almiitaynayeen

23/08/2022

Soomaalida aad bay xirfadlayaal ugu noqdeen jilista filimaanta Dhoofka iyo isku dhiibida xeryaha qaxootiga
ilaa heer Christanimo,Laba nin oo isqabta,Laba dumar oo isqabta,kufsi iyo Tacadi Jinsi oo Rag iyo Dumarba ay sheegteen si loodhoofiyo
Dadkan maanta muuqaladooda Social media lagu wad wado waa un Filimaantii h**e oo si xirfadaysan loodoobay
waa dad doonaya in aan lagu celini Turkigii ay ka yimaadeen maadaama waayahan dambe ciimada Greega ay celinayeen dadka sharci darada dalkooda kuso galay
Creamadii iyo Saliidii ay maalintaas soomarsadeen ayaa jirkooda ka duxaya ka dhaldhalaalaya mana lahan muuqaal dad rafaadsan oo biyo la aan ay ka muuqato,xataa ruuxa sooman diiftii ka muuqan jirtan ayaana ka muuqanin

22/08/2022

Jidkii qodxaha lahaa ee ay 2019 jeexeen ayaa cawa labada nin haysata
midna waa madaxwayne midna waa mucaarad dhanka Jubaland ah
Ahmed Madoobe maamulka Farmaajo oo Ethopia kaashanaya ayaa wax ka qaadi waayay ee aan aragno dagaalka cawa xamar looga dhawaaqay meesha uu gaaro

20/08/2022

Allaha u naxariisto intii ku dhimatay xalay Hotel Hayat iyo dagaalka tooska ah saacadan ka socda hotelka gudahiisa
waxaa nasiib dara ah in dib loosoo celiyay dhaqankii burburinta hotelkii ay galaan Shabaabka tan iyo 2017 laga raystay
Ciidamada Alfa Group oo isticmaslaya hubka noocyadiisa waawayn ayaa saaka dagaal felcelis ah ku qaaday hotel xayaat oo intii ilaah Badbaado u qoray ay meesha kusii xasuuqayaan

Photos from Mohamed Cusaybe's post 13/08/2022

Xafiiska Raysal Wasaaraha wuxuu sheegtay deeqda in ay ahayd 90 Konteenar,Halka xafiiska Ergayga Gaarka uu sheegay in 40 Konteenar ahayd deeqda
durba 50 Konteenar ayaa hawada lagu cunay.
Nin sxbkey ah baa yiri 50 maqan والعاملين عليها ayay ku baxday....Ma ogi!!!

12/08/2022

boobka hantida dadwanaha iyo aamusnaanta shacabka maxaa kala haysta?
horta UGAALIDII mana soogaartayna?

07/08/2022

Xukuumadii waa la ansixiyay,manta laga bilaabana dalka wasiiro dhaliilahooda wata ayuu yeeshay
Wasiir Roobow waxaan ka rajaynayaa in uu Maandooriyaha xamar kala dagaalamo.

05/08/2022

Xasan Shiikh iyo Xamse kuma aysan qasbanayn in wasiirada ay kala tashtaan Dowlad Goboleedyada ama ay ku qanciyaal hab maamulkooda
balse in ay dagaal u muujiso oo ay xil ku safto cidkasta oo ay maamul goboleedka ay isqabteen ayaa qalad ah
tusaale Wasiir Fiqi waxay horay isku qabteen Galmudug iyo Qoorqoor
sidoo kale Wasiir Roobow waxay is qabteen Lafta gareen iyo Maamulkiisa
Xasan iyo Xamse maysan xeerinin xasaasiyada ka dhalan karta raga ay maamulka isqabteen magaacistoo
taas oo dhashay in Maamul Goboleedyada qaar ay xiriir toos ah la yeeshaan Ethopia oo awalba diidanayd xiriirka Masar ay la yeelatay Soomaaliya

02/08/2022

sidee dareemi lahayd hadii howl shaqo aad u doonato xafiis uu wasiir ka yahay Mukhtar Roobow
Cabsi Cabsi wallahi.

01/08/2022

Afar maalin iyo 2 Malyan oo dollar
Kenya wax lataaban karo lana tirin karo ayay faaiday
ee soomaaliye hishiiskii Kenya ay la gashay Afartaas maalin wax ay faaiday yaa ii sheegi kara?

01/08/2022

Hishabeel oo 81 wasiir yeelatay xagee miisaaniyad looga helayaa
reer xamarka waxay dhahaan Maraqa haduu yaraado biyaa loo badshaa, cabashada ayaa ku badatay isna wasiirada ayuu u badiyay.

30/07/2022

reer Muduga waxay dhahaan Dhubuq dhubuq h**e dhabana hays danbe ayay leedahay
indho cadayskii wiilki yaraa waxay dhashay in uu raaligalin qasab ah bixiyo
Af-gaabnimadii FARMAAJO in ay dahab ahayd hala ogaado,
Siyaasada hadal badan way ku qiimo beeshaa.

30/07/2022

Ururka Alshabaab sidii loo aasaasay 2009 dagaal fool ka fool ah oo mudo 12 maalin xiriir ah maysan galin
dagaalka ay Dowlad deegaan Soomaalida ay la galeen ilaa hada tooska usocda maalintiisii 12 naad waxay ku tusinaysaa in aad ay iskuso abaabuleen,gacmo iyaga ka madax banaana ay kaalmo toos ah ay ka helayaan
Siyaasada geeska Africa si xowli ah ayay isbadashay sida ay xukunka u yimadeen Farmaajo iyo Abyey waxayna is wareejisay 360 digree
waxay u muuqataa culeeskii Al-shabaab in laga wareejin doona Soomaaiya dhaxdeeda oo lagu beeri doona dowlaha dariska la ah Somalia.

29/07/2022

waa kulan bogaadin mudan,runtii Farxiya waxay haldoor u noqondoontaa jiilka soomaaliyeed ee soosocda ee aan rajeen doona in ay ka gudbi doonaan dhaqanka ragaadiyay somaalidii h**e iyo kuwa maantaba jooga
dhaqan islaam iyo mid gobonimo ah kuma jirta ruux kula dhashay aad ku takoorto sabab aysan jawaab u heli karin kuwa latakooray iyo kan takoorayba.

27/07/2022

wax laga been sheego waxaa ugu daran war Qoran ama Muuqaal duuban
afayeenka indho adeegnimadiisa muuqaal dunida oo dhan ay daawatay oo xataa Madaxwaynihii marqaati ka yahay buu dafiraad lasoo fariistay
indho adeego waa Ra'samaal aan la helin.

27/07/2022

Rag tashtay oo deegaankooda difaacanay
riwaayadii igu sawirta ahayd halkan k**a shaqayso, hogaamiye deegaanka u daagan difaaciise weeye

26/07/2022

Yaab iyo Amakaag
warqadihiisii h**e in ay socon waayeen waan ogayna,isma lahayn waxaa la gaarsiinayaa heer gurigiisa cida ka shaqaynayso uu Deni u magacaabi doonaa
Puntlandtii waxay kusoo dhamaatay anaa Gadhay anaa Gadistay,
Reer muduga waxay oran jireen Adeer anagaa kaadideena usoo cabnay.

25/07/2022

Masar iyo Ethopia waxay isku haystaan qadiyado Masiiri ah oo soojireen ahayd waligeed midkastana ay u dagaalamayso sidii dadkooda ay Noloshooda usii socon lahayd waana arinka Biyaha Niilka
Soomaaliya waxaa u furan labo midkood
1. in ay arinka dhax dhaxaad ka noqdaan,ayna raadiso soomaaliya xal u helidq labada dowladood sidii ay hishiis buuxda u ahaan lahaayeen
2. in Soomaaliya ay la safato Ethopia maadama ay dad iyo deegaanba ay wadaagaan,oodoodana ay isa saarantahay
Ehopia iyo Somalia dhanaha ka dhaxeeya ayaa kawayn Masar iyo Somalia danaha ka dhaxayn kara

25/07/2022

Nin 30 maalin bil buuxda wax ku qaban waayay oo 10 maalin dheeraad ah codsatay cilmi badanaa
Timirtii h**e ayaa dab loowayay aasuu tukale dab u raadinayaa Raysan Wasaaraha
maxaa been la iskugu sheegayaa Golaha Wasiirada waxay u xiyiranyihiin inta Xasan Shiikh Safarada iyo Hishiisyada kaso dhamaysanayo.

23/07/2022

Dagaalka laguso qaaday dowlad deegaanka somalida(Somali State) kana soo bilaabmay Xadka Gobolka Bakool waa dagaal siyaasadeesan, oo ay gacan wayn ka gaysanayaan Dowlada waawayn reer galbeedka ah iyo kuwa african ah,sidoo kale waxaa saamayn way kuleh,Ururka tigreega
muhiimada dagaalkana waa sidii loowiiqi lahaa Awooda Abyey
Duulaankan iyo dagaalkanba waxaa waxa afka carabiga lagu dhaho حرب بالوكالة( A proxy war)
dagaalka mudada uusocdo iyo awooda ay adeegsanayaan kuwa duulanka sooqaaday way ka baaxad wayntahay Al-shabaabnimo.

21/07/2022

Rooble sow xafiiska Xamse kuma wareejin horta?
maxay tahay ninka wali xafiiska iyo Xasan shiikh wali iska dhax wareegaya.
RW Xamse goormuu hurdada kasoo kici doonaa?

18/07/2022

Puntland hal shay oo ay Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale ay ugu faani jirtay waa Systemka waxbarasha Puntland oo aad u dareeyay una dhisnaa ilaa wasiirad ay tiri wasaarada waxbarashada Federaalka waa in ay qaadataa Systemka Puntland ee waxbarashada.
Halkii shay ay Puntland ku faani jirtayna maanta baa u dhameeyay oo miisaanidyad baa loo waayay sixidii
Wasiirka waxbrashada waa Nin daacad ah sidii ay wax ujireen ayuu sheegay
Waalidiinta iyo Macalimiinta iyo Ardayda puntland waxaa lagudboon in ay Mudaharaad sameeyaan oo fadhiga kakacaan oo Maamulka Deni culees la saaro si xal dag dag ah loogaaro.
mustaqbalka ardayda ciyaar magalo,lacagta Safarada iyo damaashaadka lagu dhamaynayo iyaga ayaa mudan in lagu bixiyo.

17/07/2022

Allaha u naxariisto intii maanta ku dhimatay qaraxii magaalad inta dhaawaca ah allaha u sahlo
runtii waa dhibaato wayn oo dowladii timaadaa aysan xal u heli karin ama ay kaga mashquusho dano siyaasadeed kale
dhiiga qof muslim ah wax ka qaalisan dunida aan joogno malaha iyo ilaah agtiisaba

17/07/2022

Raysal wasaarihii Dalka oo baadi goob loogu jiro,Raq iyo ruux meel uu jiro
mudo bil ah buu magacaabanyahay ilaa hada Xukuumad iyo Wasiiro midna lagama hayo
Dalkii hishiisyo siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayuu galayaa oo ku kooban Villa somaliya
ilaa hada Raysal wasaaraha k**a hayno kaalintiisii uu kalahaa Hishiishada ay madaxtooyada iskeeda u galayso
Raysal wasaaraha sababaha awooda loosiiyay waxaa kamid ah dheelitirka Awooda dowladeed iyo ilaalinta nidaamka waxqaybsiga ee 4.5 ka
sookac oo dalka iyo dadkaba wax ka dheh,

16/07/2022

maanta magaalada Moqdisho waxaa laga cunay Qaad fresh ah oo sidii beerta looga soojaray ahaa
Mirqaankiisana aad u sareeyay
Dhowrkii sano ee laso dhaafay magaalada moqdisho waxaa imaan jiray Qaad doonto looga soodaabulo xeebaha kismaayo kuna soo xiran jira warshiikh iyo xeebaha aga gaarkeeda ah
dancan qaadkaas doomaha lagu keeni jiray waxaa ka dhiman jiray mirqaanka ama Aash*tada
Nin sxbkey ah baan ka hayaa Qaadka maalinta jimcaha in la fasaxo ayuu ku fiicnaa.
intii maanta cuntay Qaadka kenya ka imaaday iyo kan danbe oo ka imaan doona Xasan shiikh Dushiisa ayay noqotay.

16/07/2022

Diyaarad ka dheeraysa guuxeeda oo durba fulisay hishiiskii xalay ay kala sixiix Xasan iyo Uhuru
Xildhibaankii yiri ani waayaabee xagee lagu ordayaa maxaa lagu cararayaa ayaan saaka isku fikir nahnay
hishiisyada sow tafaftir iyo tix raac laguma samayn jiray intaan la fulinin horta.

14/07/2022

caqliga Abdirahmaan 5 Wasiir kuso dhawaysay,Sacdiyana 2 Askari loodiray maalintii Garoowe ay Gargaarka keentay baan fahmi waayay
Raga koobka shaaxa dhamaysta xataa kari waayay oo horay gacanta ugu sooqaatay waa isla ragii Xabada kusoo dhaweeyay Sacdiyo Boosaaso
waxaa iska cad in Sacdiyo laga aarsanayay dagaalkii 2015-2016 ay lagashay Maamulka puntland xiligii Abdiwali Gaas oo ay u arkaysay meel lagu xukumo 3.5

Photos from Mohamed Cusaybe's post 13/07/2022

Libaax nin Galay iyo Nin Ganayba waa yaqaanaa
Deni ragii intuu dagaalka Farmaajo la galay oo hadana ooga baxay waa yaqaanaa
Deni nin shaqadiisa qabsada Villada na sida loola dagaalamo waa yaqaanaa
hadii Kenya albaabkeeda u furnaa 5 sano ee Farmaajo
hada waxaa dib loofuray Albaabkii Ethopia.

Deni in the House

Photos from Mohamed Cusaybe's post 12/07/2022

waagii Nidaamka FARMAAJO jiray tilaabo kasta uu qaado KARAASH waxaa la oran jiray Farmaajo iyo Xamar baa looga soodhiibaa,Wiilka uu Abtiga u yahay buu Puntland burburinteeda wakiil uga yahay
Talaabada uu duqa maanta qaaday iyo shaqa joojinta ma Xamar baa Dusha laga saari doonaa iyo Xasan Shiikh

12/07/2022

Xildhibaan Sacdiyo,ahna kusime madaxwayne waxa lagu galay oo kaliftay in Diyaaradeedii dib looceliyo,sababteedana ay dad badani u dhintaan waa in Maamulka Puntland uu Jawab cad ka bixiyaan

Telephone

Website