Ali Abdullahi Issak
Chief of Staff, Office of the President, Southwest State of Somalia
18/06/2026
Shaqada dowladdu waa mas’uuliyad meerto ah, waana adeeg bulsho oo xambaarsan waajibaad culus iyo kalsooni ummadeed. Helitaanka xil waa isku darka nasiib iyo dadaal, balse gudashadiisa si hufan, daacadnimo leh, iyo caddaalad ku dheehan tahay waa waajib qaran iyo mid diini ah.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan si sharaf leh u soo gutay mas’uuliyaddii la ii igmaday ee ahayd Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya xilligii maamulka kumeelgaarka ahaa. Intii aan xilka hayay, waxaan ku dadaalay in hawlaha loo igmaday lagu maareeyo dhexdhexaadnimo, daacadnimo, isla xisaabtan, iyo waajib-gudasho ku dhisan danta guud.
Sidoo kale, waxaa ii ah farxad gaar ah in aan xilka ku wareejiyo Agaasimaha cusub xafiis dhisan, nidaamsan, oo si buuxda u shaqaynaya. Markii aan xilka la wareegayay, waxaan la kulmay xafiisyo maran oo aan lahayn dukumentiyo, diiwaanno, iyo agabkii lagama maarmaanka u ahaa shaqada. Maanta se, waxaan ku wareejinay nidaam shaqeynaya, dukumentiyo iyo xog kaydsan, agab xafiiseed oo dhammaystiran, iyo habraacyo fududeynaya sii socoshada shaqada dowladda.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxda, shaqaalaha, iyo shacabka Dowladda Koonfur Galbeed ee igu garab istaagay gudashada waajibaadkan. Waxaan u rajaynayaa Agaasimaha cusub guul, tawfiiq, iyo in uu sii ambaqaado horumarka iyo tayeynta adeegyada madaxtooyada.
Xilku waa meerto, hase yeeshee raadadka wanaagsan iyo adeegga daacadda ahi waa dhaxal sii jira.
15/06/2026
Bismillahi Raxmaani Raxiim.
Maanta waxaan si rasmi ah xilka Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ugu wareejiyey Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.
Waxaan u mahadcelinayaa Hoggaamihii Kumeelgaarka h**e Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibril Abdirashid iyo Hogaamiyaha cusub Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur, masuuliyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada wada-shaqeyntii iyo taageeradii ay ila lahaayeen muddadii aan xilka hayey.
Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Agaasimaha cusub Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed, anigoo u rajeynaya guul iyo in Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.
Guul iyo gobannimo ayaan u rajeynayaa dhamaan shacabka iyo madaxa Dowladda Koonfurgalbeed
- Mudane: ALI ABUDULLAHI ISSACK -
Agaasimihii H**e ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
WABILLAHI TOWFIIQ
No caption needed.
26/05/2026
🌙 Ciidul Adxa Mubaarak 🌙
Waxaan Farxadda Ciiddaan barakeysan lawadaagayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacab weynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya.
waxaan idiin rajeyneynaa nabad, barwaaqo, caafimaad iyo farxad.
Aan xoojino isgarab istaagga, iyo u gargaaridda dadka nugul si ay noola qeybsadaan farxadda maalmahan kheyrka badan.
كل عام وأنتم بخير 🤍
21/05/2026
SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DKGS OO LOOGA HADLAY XAALADAHA KA JIRA GUUD AHAAN DEEGANADA KOONFUR GALBEED.
Baydhabo, May, 21, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta adeegyada bulshada, arimaha bini’addanimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha amniga, gargaarka, xanaanada xoolaha iyo arimaha gudaha iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha horumarineed ee socda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada loo fidiyo bulshada reer Koonfur Galbeed.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku boorriyey xubnaha Golaha Wasiirrada inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo adeegyada bulshada, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeeg hufan oo tayo leh.
DHAMMAAD
10/05/2026
HOGGAAMIYE MUDANE Hon. Jibril Abdirashid Haji OO KORMEERAY GOOBAHA COD-BIXINTA DOORASHOOYINKA
Baydhabo, 10 May 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta kormeer ku tegay xarumaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka hanaanka Qof iyo Cod, kuwaas oo lagu soo dooranayo Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta habsami u socodka doorashada, xaaladda amniga goobaha cod-bixinta, iyo heerka ka qeybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey shaqada ay wadaan guddiyada doorashooyinka, ciidamada amniga, iyo shacabka sida mas’uuliyadda leh uga qeyb qaadanaya cod-bixinta. Waxa uu xusay in hirgelinta nidaamka Qof iyo Cod ay saldhig u tahay xoojinta dimuqraadiyadda, isla markaana ay sare u qaadayso matalaadda shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa bulshada ugu baaqay inay sii adkeeyaan nabadda, wadajirka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, si loo xaqiijiyo doorasho xor ah oo daahfuran.
DHAMMAAD
03/05/2026
Baydhabo, May 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ali Abdullahi Issak, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo bulshada.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo waxqabadka guud ee dowladda.
Mudane Ali ayaa Agaasimiyaasha Guud ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, wada-shaqeyn dhow, iyo hubinta in qorshayaasha dowladda si hufan loo fuliyo. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey inay labanlaabaan dadaalkooda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
29/04/2026
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Ali Abdullahi Issak ayaa ka qeyb galay kulan muhiim ah oo maanta ka dhacay Madaxtooyada Baydhabo, kaas oo uu Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadannimada,
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta gargaarka bani’aadannimo, iyo wax ka qabashada saameynta abaaraha iyo xaaladaha barakaca ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Guud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee u dhaxeysa Dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo hubiyo in taageerada la gaarsiiyo dadka ugu nugul si wax ku ool ah oo waara.
Jimca wanaagsan