Get Phone

Get Phone

Share

GetPhone Limited is a pioneering device financing company in Somalia committed to bridging the affordability gap in technology access.

12/05/2026

Mashruuca Get Phone kaliya ma aha mid bulshada Soomaaliyeed loogu fududeynayo helitaanka moobayllada casriga ah balse waa masuuliyad qaran oo door weyn ka qaadaneysa horumarinta tiknoolojiyadda, kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah iyo ballaarinta fursadaha ay bulshada Soomaaliyeed ugu xirmi karaan adeegyada casriga ah.

Somalia launches rural connectivity programme to boost digital access 08/05/2026

Warbaahinta Caalamiga ah ee CGTN ayaa warbixin ka sameysay Daahfurka Mashruuca Get Phone oo ah barnaamijka bulshadeenna Soomaaliyeed u sahlaya helitaanka Moobaylada Casriga ah.
Ka daawo lifaaqan hoose
https://youtu.be/daWFOdNVYLY?si=SNZNWOWY29OQUwYK

Somalia launches rural connectivity programme to boost digital access Somalia announced the World Bank-funded "Bulsho" programme in late April to expand smartphone and internet access in rural areas. Across Africa, young people...

07/05/2026

Maxay ahayd baahidii dhalisay aasaaska mashruuca Get Phone?

06/05/2026

“Cali Yasiin ahaan, waxaan wax ka iibsadaa dad aan haysan smartphones. Tusaale ahaan, bishiiba mar ayaan wacaa nin si aan uga iibsado idaha deexda daaqa, isagoo keliya tilmaam iga siiya. Balse hadda kadib, waxaan dhihi doonaa: "Qaado mobeyllada GetPhone oo sawir ahaan iigu soo dir.’”

Cali Yasiin Sheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

06/05/2026

“Ka Wasaarad ahaan, waxaan si weyn u soo dhoweyneynaa in Hormuud Telecom iyo Get Phone ay ka jawaabeen baahida ay bulshadeenna Soomaaliyeed u qabeen helitaanka mobeyllo casri ah oo la awoodi karo. Waxaan rajeyneynaa in dad badan ay ka faa’iideysan doonaan kuna xirnaan doonaan tiknoolojiyadda casriga ah.

Wax kasta oo dhanka Wasaaradda kaga xirma hirgelinta iyo taageeridda hindisahan, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadanno.”

Axmed Cismaan Diiriye, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya

06/05/2026

“Smartphones-ku waxay hooyada miyiga ku nool ka caawinayaan barashada sida ay u ilaalin lahayd caafimaadka iyo nafaqada carruurteeda yar yar. Carruurtana waxay siinayaan fursado ay ku bartaan xirfado cusub, halka Odeyga beeraleyda ahna uu xilli h**e heli karo xogaha sanadka soo socda sida roob-yarida, isbeddelka cimilada, digniinaha ayaxa iyo arrimo kale oo saameyn ku leh wax-soo-saarkiisa"

Salah Ahmed Jama, Deputy Prime Minister, Somalia

06/05/2026

“Haddii aan nahay shirkadda Hormuud Telecom, waxaan u shaqeynaa dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed si ay u helaan teknoolojiyad la mid ah tan ay dunida horumartay haysato, una noqdaan kuwo aan ka harin horumarka casriga ah.”

Ahmed Mohamud Yusuf, Chairman, Hormuud Telecom

05/05/2026

“Daahfurka Mashruuca Get Phone wuxuu ka jawaabayaa baahi weyn oo ka jirtay suuqa tiknoolojiyadda dalka, taas oo ah helitaanka mobayllada casriga ah. Helitaanka mobayllo casri ah oo ay bulshadu si fudud u heli karto waxay fure u tahay ballaarinta isticmaalka tiknoolojiyadda dalka.”

Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

05/05/2026

“Shirkadda Get Phone waxaa loo aasaasay inay u adeegto shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka danyarta ah ee aan awoodi karin inay hal mar bixiyaan kharashka lagu iibsado mobayllo casri ah.

Annagoo kaashanayna Shirkadda Hormuud Telecom waxaan bixin doonnaa Adeegyo ay kamid yihiin mobeyllo casri ah oo ay la socdaan Internet iyo kuhadal bilaash ah, si bulshadeennu ugu fududaato helitaanka xogta, adeegyada caafimaadka, adeegyada dowladda, iyo fursadaha kale ee digital-ka ah.”

Omar Mohamed Abdi, CEO, Get Phone

Want your business to be the top-listed Computer & Electronics Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address

Muna Business Complex, Taleeh, Hodan District
Mogadishu