Raadsan Tech

Raadsan Tech

Share

Empowering Progress through Innovative Technology

Photos from Raadsan Tech's post 16/12/2025

Ka Qayb-gal iyo Mahadnaq – SomNOG8 πŸš€πŸ€
Intii u dhaxaysay 7 ilaa 11 December 2025, waxaan ku faraxsanahay ka qayb-galka , oo ay soo agaasintay Somali Network Operators Group. Intii uu socday tababarka iyo shirka 8aad, waxaan helnay is-dhexgal iyo waayo-aragnimo heer sare ah, la kulanka khubaro kala duwan, iyo aragtiyo casri ah oo ku saabsan horumarinta digitalka dalkeena hooyo.

Madasha SomNOG8 sandkaan 2025, waxay isu keentay mas’uuliyiin heer dowladeed, xirfadlayaal, khubaro, iyo shirkado tiknoolajiyadeed, kuwaas oo si wadajir ah u wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah.

Ugu dambayn, waxaan mahadnaq ballaaran u diraynaa maamulka SomNOG8, shirkadaha tabageliyay, iyo dhammaan ka qayb-galayaasha. Raadsantech waxay aaminsatahay, Iskaashga iyo aqoon-wadaaga in uu yahay furaha horumar waara πŸš€πŸ…

10/12/2025

π‡πšπ¦π›πšπ₯𝐲𝐨 𝐒𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐒𝐧! πŸŽ‰πŸŽ“πŸŒŸ
Dhammaan maamulka iyo howlwadeenada Shirkadda Raadsan Tech waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan xirfadlayaal ka tirsan shirkadda, kuwaas oo ka qalin-jabiyey Jamhuriya University of Science and Technology, iyagoo soo gaba-gabeeyay Heerka 1-aad ee Jaamacadda.

1. Eng. Muzamil Tahlil Dahir – Full-Stack Developer
2. Eng. Abdinajib Abdullahi Muse – Full-Stack Developer
3. Eng. Faysal Mohamed Dahir – Mobile App Developer

Guushan qiimaha leh waxay ka tarjumaysaa dadaalkooda joogtada ah, aqoontooda qotada dheer ee technology-yadda, iyo hal-adayga ay muujiyeen intii ay ku jireen safarkooda waxbarasho. RaadsanTech aad ayay idiinku faanaysaa heerka aad maanta taagan tihiin. Waxaan Eebbe idiinka baryaynaa inuu guushiinna ka dhigo mid barako leh oo u gogol-xaarta mustaqbal ifaaya.πŸš€βœ¨πŸ€²

Sidookale Shirkadda RaadsanTech waxay u hambalyeynaysaa ardayda dufcada 10aad ee Jaamacadda Jamhuriya, waxa aan leenahay hambalyo dhamaan qalin-jabiyayaasha waxa aan idiin rajeyneynaa hormar iyo mustaqbal wanaagsan. Hambalyo dhammaan! πŸŽ‰πŸ‘πŸŽ“βœ¨

24/08/2025

Hambalyo dhammaan ardayda ka gudubtay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare!πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸŽ‰
Waxaan idin rajaynaynaa in wajiga xiga ee safarkiinna uu noqdo mid guul leh, horseedna u noqda kobac iyo fursado horumarineed oo dalkeenna. Xaqiiqdii waxaad xaqiijiseen guul weyn oo mudan in lagu farxo. Hambalyo mar kale!
________

14/08/2025

Hambalyo 14-ka Agoosto Shacabka iyo Dowladda Galmudug. πŸŽ‰πŸŽ‚πŸ₯³πŸ‡ΈπŸ‡΄
Dowlad Goboleedka Galmudug waxey aas-aas u tahay midnimada, nabadda, iyo horumarka Soomaaliya cusub ee dib loo yagleelayo. Waxaan rajeynayaa in Galmudug ay sii horumarto oo ay door muhiim ah ka qaadato dowlad-dhiska iyo mustaqbalka ifaya ee qarankeenna.
Umadda galmudug iyo dhamaan Soomaali weyn guul baan u wada rajeyn.

12/08/2025

Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada! 🌍✨
Dhalinyaradu waa wadnaha isbeddelka, hal-abuurka iyo rajada. Dhalinyarooy aan xoojino waxbarashada, xirfadaha iyo fursadaha hal-abuurka si ay u dhisano mustaqbal ifaya oo waara. Wadajir aan ku furfurno awoodeena si aan u dhisno mustaqbal wanaagsan. Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qeyb qaataan dhisidda iyo taageerida dhalinyarada oo ah xooga maanta iyo berri ee dalkeena, taas oo ah masuuliyad wadareed aan wadajir u qaadanno.

Intii ay jirtay Shirkadda Deero Enterprise oo ah muddo 6 sano, laga soo bilaabo 13-kii July 2019 ilaa manta, waxaan u taagnayn taageerida iyo hagidda dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo loo maraayo tababaro xirfadeed, shaqo abuur, hagitaan, iyo barnaamijyo hal-abuur leh.

Qeybta tababarada ee Deero Institute waxay dhistay jiil kalsooni leh, xirfad leh, oo diyaar u ah iney qaabeeyaan mustaqbalka shaqo ee dalkeena. Mudadaas waxaan tababarnay in ka badan 2,119+ qof, iyadoo heerkooda shaqo-heliddu tahay 70%, taas oo caddeyn u ah saameynta barnaamijyadeenna.Sidoo kale, qeybaha Deero Advert iyo Raadsan Tech waxay shaqo abuur u sameeyeen dhalinyaro badan oo badankooda ka soo aflaxay Deero Institute.

Shirkadda Deero Enterprise waxay mar walba diyaar u tahay inay ka qayb qaadato masuuliyadda wadareed ee dhisidda iyo taageeridda mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaama aasaasayaasha Deero ay yihiin dhalinyaro, Waxaan u taaganahay iskaashi, wada shaqayn, iyo in aan horseed ka noqono dhisidda mustaqbal xooggan oo waara.

30/06/2025

Waxaan ugu Hambalyaynenaa Dhammaan Umadda Soomaaliyeed Munaasabadda 1-da LuuliyoπŸ‡ΈπŸ‡΄ oo ah maalin taariikhi ah. Xiligaas oo lagu xasuusto madaxbanaanidii gobolloda Koonfureed iyo la midowgii gobolloda Waqooyi,Taasoo kadhalatay yagleeliddii Jamhuuriyadii Soomaaliya markii uu sannadku ahaa 1960.

22/06/2025

𝐁𝐒𝐬𝐦𝐒π₯π₯𝐚𝐚𝐑𝐒 π‘πšπ±π¦πšπšπ§π’ π‘πšπ±π’π’π¦

π’π‘πšπšπœπ’π§ π‘πšπ¬π¦π’ 𝐚𝐑 πŸ“£ πŸ””
Maanta waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa furitaanka Raadsan Tech oo ah shirkad ka shaqeyndoonta arrimaha tiknoolajiyadda casriga ah. Shirkaddaan waxay hoos tagtaa Deero Enterprise .

Waxaan u heellan nahay inaan ganacsiyada siino xalal tiknoolajiyadeed oo casri ah oo waafaqsan baahiyaha suuqyada maanta. Xalalkaan waxay si gaar ah u taageeraan horumarinta nidaamyada gudaha, hagaajinta hab-socodka shaqooyinka iyo hufnaanta maaliyadda.

Yoolkeennu waa inaan kaa caawinno in ganacsigaada ku guulaysto casrigan dhijitaalka ah, anaga oo adeegsaneyna xalal digital ah oo ku dhisan caqliga macmalka (AI), xog lahubo iyo farsamooyin horumarsan.

Aan si wadajir ah u dhisno mustaqbalka ganacsiga!! πŸ€πŸŽ―πŸš€

Want your business to be the top-listed Computer & Electronics Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address

Mogadishu