SIMAD Alumni
SIMAD Alumni
19/03/2026
Dhamaan Maamulka, macalimiinta iyo qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan qoyskii uu ka geeriyooday walaalkeen ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ต๐บ๐ฎ๐ป ๐๐ฏ๐ฑ๐๐น๐น๐ฒ .
Marxuumka waxaan Alle uga baryaynaa inuu janaddii firdowsa ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. AAAMIN .
Mohamed wuxuu katirsanaa qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan Kulliyadda xisaabaadka ( Class : ๐๐๐๐๐ฎ๐ฎ ).
17/03/2026
Hoggaanka Fasalka ๐๐๐ง๐ฎ๐ณ ayaa si heer sare ah u soo qabanqaabiyay kulan sanadeed muhiim ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha qalinjabiyaaasha fasalka BIT27.
Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD Mukhtar Adan Hassan iyo qaar kamid ah xubnaha firfircoon ee fasalka BIT27, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo isku xirnaan la taaban karo.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo xog-isdhaafsi, iyadoo si qoto dheer looga sheekeystay waayihii ardeynimada, xusuustii quruxda badnayd ee jaamacadda, iyo safarkii nololeed ee ka dambeeyay qalinjebinta.
Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray gurmadka abaaraha, iyadoo la isla qaatay in fasalka BIT27 ay door muuqda ka qaataan ka jawaabidda xaaladaha adag ee abaaraha dalka ka jira, iyagoo ka duulaya masโuuliyad bulsho iyo damiir wadaninimo.
Ugu dambeyn, Gudomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD wuxuu si weyn u bogaadinayaa isku xirnaanta,wadajirka, iyo ka goโnaanta fasalka BIT27 ee ku aaddan is-garab istaagga bulshada, gaar ahaan ka qeyb qaadashada arrimaha abaaraha.
15/03/2026
Hiiraan, Soomaaliya โ Maarso 2026
Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo wakiil ka ah bahda Jaamacadda SIMAD, ayaa gargaar biyo-dhaamin ah gaarsiiyay deegaanka Xuduleey ee gobolka Hiiraan. Gurmadkan ayaa loogu talagalay qoysaska ay sida daran u saameeyeen abaaraha, gaar ahaan kuwa ka soo barakacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka.
In ka badan 90 qoys ayaa ka faaโiidaystay biyo-dhaamintan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo bulshada nugul ee la daalaa dhacaysa biyo-yarida iyo saameynta abaaraha. Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa doorka muhiimka ah ee ay qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD ka qaadanayaan ka jawaabista baahiyaha degdegga ah ee bulshada.
Barnaamijkan biniโaadantinimo wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu xoojinayo gurmadka abaaraha, laguna yareynayo culaysyada nololeed ee saaran qoysaska ay saameeyeen xaaladaha adag ee deegaanka.
Ugu dambayn, bahda Jamacada SIMAD iyo Qalinjabiyasha waxay markasta ka goโan inay garab istaagaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag ee ay wajahaan abaaraha iyo biyo laโaanta.
12/03/2026
Hiiraan, Soomaaliya โ 12 Maarso 2026
Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo wakiil ka ah Jaamacadda SIMAD, ayaa gurmad biyo dhaamin ah ka fuliyay degmada Farlibaax iyo deegaannada hoos yimaada ee ka tirsan gobolka Hiiraan. Gurmadkan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada ay si daran u saameeyeen abaaraha iyo biyo laโaanta baahsan ee ka jirta dalka.
Deeqdan biyaha ah ayaa gaartay ku dhowaad 180 qoys, kuwaas oo muddo la tacaalayay biyo yari iyo xaalado nololeed oo adag. Tallaabadan waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee ay jaamacadaha iyo qalinjabiyayaashoodu ku leeyihiin u gurmashada bulshada iyo ka qayb qaadashada xal u helidda dhibaatooyinka saameeya dadka Soomaaliyeed.
Barnaamijkan gurmadka ah waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu yareynayo saamaynta abaaraha, isla markaana lagu garab istaagayo bulshada Soomaaliyeed ee u baahan taageerada iyo isku duubnida.
02/03/2026
Dhamaan Maamulka, macalimiinta iyo qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan qoyskii ay ka geeriyootay walaasheen Falastin Abdullahi Abdi .
Marxuumadda waxaan Alle uga baryaynaa inuu janaddii firdowsa ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan ka siiyo. AAAMIN .
Falastiin waxay katirsaneyd qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan Kulliyadda Sharciga ( Class : BLAW10 ).
28/02/2026
Hogaanka Fasalka ๐๐๐๐ฌ๐ฒ ayaa soo qabanqaabiyay kulan sanadeedka fasalka .
Kulanka waxaa kasoo qeybgalay maamulka xafiiska qalinjebiyaasha , maamulka kulliyada , Macalimiinta iyo xubnaha fasalka BBA06.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa is-xogwareysi iyo xog-isdhaafsi , waxaana laga sheekeeyay waayihii ardeynimada iyo hayaankii nolosha ee kadanbeeyay.
Sidoo kale , kulanka waxaa looga hadlay ๐ด๐๐ฟ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ iyo sidii ay fasalka BBA06 kaalin weyn ugu qaadan lahaayeen arintaas .
Ugu danbeyn, Xafiiska qalinjebiyaasha wuxuu bogaadinayaa isku xirnaanta iyo iska war qabka bahda BBA06 .
28/02/2026
Sida aan wada ognahay dalkeennu waxa uu kujiraa xaalad adag oo abaaro iyo biya la'aan ah, taas oo bulshadeenna saamaysay naf iyo maalba.
Iyadoo aan sii guda galeyno billowga wajiga 3aad ee gurmadka abaaraha, waxa aan dhammaan ardayda, shaqaalaha, qalinjebiyayaasha iyo guud ahaan bahda SIMAD ku baraarujinaynaa in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo walaalaheenna tabaalaysan.
Nagala qayb qaado gurmadka abaaraha.
26/02/2026
Naadiga Qalinjabiyaasha Jaamacadda SIMAD waxa uu taageeraya, sidoo kalana bogaadinayaa goโaankan masuuliyadda leh ee Jaamacaddu qaadatay.
Waxbarashadu kuma koobna fasallada oo keliya, balse waxay ka muuqataa damqashada, garab istaagga iyo u adeegidda bulshada soomaliyeed xilliyada adag. Waxaana garab taaganahay walaalaheenna ay saameeyeen abaaraha iyo biyo-laโaanta.
Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan qalinjabiyaasha in ay ka qayb qaataan gurmadkan baniโaadannimo.
๐๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป ๐ฟ๐ฎ๐๐บ๐ถ ๐ฎ๐ต: Sanadkan, annaga oo ka duulayna masuuliyadda naga saaran bulshadeenna iyo xaaladda adag ee uu dalkeennu kujiro, waxa aan goโaansannay in Afur-wadareedkeennii sannadlaha ahaa u beddelno Gurmad Baniโaadannimo oo kaalmo toos ah iyo biyo-dhaamin lagu gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyo-laโaanta baahsan ee dalka.
SIMAD Alumni - Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.
21/02/2026
๐ช๐ฒ๐ท๐ถ๐ด๐ถ๐ถ ๐ฎ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐ฏ๐ถ๐๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐๐ฎ .
Maanta waxaa noo qabsoomay ๐๐ฒ๐ท๐ถ๐ด๐ถ๐ถ ๐ฎ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ee barnaamijka ๐๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐๐ฎ , waxaana kafaaideestay qoysas danyar ah oo kunool tuulooyin hoos-taga gobolka ๐๐ฎ๐ฎ๐ .
Barnaamijkaan ayaa qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo walaalaheena soomaaliyeed oo ay abaarta kusaameysay gobolada dalka .
19/02/2026
Maamulka Xafiiska Qalinjebiyaasha wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa Mr. Jamal Hashi Ture oo loo magacaabay ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐ฎ ๐ช๐ฎ๐
๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ee Xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed .
Mr. Jamal wuxuu katirsanyahay qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan kulliyadda culuumta maamulka ( Class : ๐๐๐๐ญ๐ด ) .
Waxaan Alle kaaga baryaynaa in uu kula garabgalo shaqada culus iyo masuuliyadda laguu igmaday.
18/02/2026
Ururka qalinjebiyaasha ee kulliyadda sharciga ayaa soo qabanqaabiyay ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป ๐ฐ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ฑ udhaxeeyay qalinjebiyaasha kulliyadda sharciga iyo ardayda hadda dhigata kulliyadda sharciga .
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay ๐ฑ - ๐ฐ, waxayna guusha raacday kooxdii kasocotay qalinjebiyaasha.
Ujeedka ciyaaarta ayaa ahayd isdhaxgal iyo sidii la isugu xiri lahaa qalinjebiyaashii kulliyadda iyo ardayda hadda dhigata kulliyadda.
17/02/2026
๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฆ๐๐ง๐ญ๐ ๐ฑ๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ช๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐๐๐ซ ๐ค๐๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐ ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐.
Booqashadan rasmiga ah waxeey ku saleysan tahay xoojinta xiirika Naadiga qalinjabiyasha Jaamacadda SIMAD SIMAD Alumni iyo Xukuumadda XAJSi iyadoo diiradda la saaraya iskuxirnaanta Qalinjabiyasha iyo ardeyda dhigata Jaamacadda SIMAD, ka qeyb qadashada abaaraha kajiro dalka guud ahaan.
Ujeeddadu kulankan waa in la abuuro Nidaam joogto ah oo ardaydu uga faaโiideystaan qibradda, hagista (mentorship) iyo shabakadaha xirfadeed ee qalinjabiyeyaasha, si loo tayeeyo ardeyda jaamacadda dhigta mustaqbalkooda waxbarasho iyo midkooda xirfadeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay in iskaashi dhab ah oo dhex mara Naadiga Qalinjabiyeyaasha iyo
Xukuumadda ardayda uu yahay tiirka lagu dhisi karo mustaqbal ifaya, isla markaana ardaydu ka heli karaan taageero joogto ah oo aqooneed iyo mid xirfadeed.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 16:00 |
| Tuesday | 08:00 - 16:00 |
| Wednesday | 08:00 - 16:00 |
| Thursday | 08:00 - 11:00 |
| Saturday | 08:00 - 16:00 |
| Sunday | 08:00 - 16:00 |