Heemaal Store
kusoo dhawoow pegeka som editer
25/12/2025
Muqdisho oo 56 sanno ka dib dadweynuhu saaka u dareereen doorashada deegaanka oo qof & cod ah.
Madaxwayne h**e shariif oo kulamo ka bilaabay Kismaayo, tani waxay sii xoojinaysaa saamaynta shariifka ee doorashada soo socota ee Soomaaliya.
16/12/2025
Guddiga Doorashooyinka DFS: "Maalinta Doorashada qof & cod oo 25-ka December ah, dalka oo dhan waa bandow..."
15/12/2025
Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay sannadka cusub ay guda-geleyso soo-saarista shidaalka deegaannadeeda, iyada Madaxweyne Cirro uu arrintan ka sheegey Shirka Bandhigga Macdanta SL, inkasta oo aanu bixin faahfaahin dheeri ah.
15/12/2025
Kabka Baanka Adduunka ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, 2025:
Puntland: $4,872,300
Jubaland: $4,872,300
Galmudug: $5,171,700
Hirahabele: $5,171,700
K. Galbeed: $5,171,700
Banaadir $4,740,300.
Waqooyi bari, ayaan meela kaga jirin.
15/12/2025
Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ciidanka la dagaalka soo gelootiga ee ICE ay qabtaan wiil ay dhashay kaas oo ay doonayeen in ay u tarxiilaan Soomaaliya balse ka badbaaday markii uu tusay sharcigiisi Maraykanka.
Wiilka Ilhaan Cumar oo ku dhashay gudaha Maraykanka ayay tilmaantay in ay doonayeen sidii loo tarxiil lahaa haddii markaas aanu sharcigiisa wadan.
Waxa ay ciidankan ku eedaysay in ay yihiin cunsuriyiin beegsi ku haya dadka Soomaalida ah xataa kuwooda sharciga haysta ama Maraykanka ku dhashay.
Ciidanka ICE oo wada qab qabshada dadka Soomaalida ah ee ku sugan gudaha Minnesota ayaa qof kasta waydiinaya sharcigiisa iyaga oo hadda xidhay dad ay sheegeen in aanay sharci haysan iyo kuwo kale oo ay ku eedeeyeen dembiyo culus sida lagu baahiyey boggaga rasmiga ah ee ciidanka ICE.
Sabacad Vlogs
15/12/2025
Dhaxal sugaha dalka Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu soo warramayaa in uu hunguri ka galay kooxda dalka Spain ka dhisan ee Barcelona taas oo kaalmaha h**e kaga jirta kooxaha ugu caansan qaaradda Yurub.
Sida ay Saaxafadda Spain werisay, Sucuudiga ayaa doonaya in uu kooxdan iibsado oo uu ku sameeyo maal gelin aad u balaadhan si ay uga soo kabato dhaqaale la'aanta iyo daymaha hadda ragaadiyey oo ah kuwo aad u badan.
Sucuudiga ayaa kooxdan ku doonaya 10 Bilyan oo Yuuro si loogu wareejiyo balse waa arrin aad u adag marka loo eego maamuulka iyo qaab dhismeedka kooxdan oo aan la doonayn in gacmo kale loo wareejiyo.
Sanduuqa maal gashiga ee Sucuudiga ayaa si weyn u raadinaya in uu saamayn ku yeesho laacibiinta dunida caanka ka ah iyo kooxaha Yurub ka dhisan si uu ugu sameeyo maal gashi aad u xooggan oo magac u soo jiida dalka Sucuudiga.
15/12/2025
Dalka Nigeria Nin lagu magacaabo Nebi Yeremraah ayaa Hooyadiis oo dhimatay ku aasay sanduuq Dahab kasameysan oo qiimihiisu kabadanyahay 150 Milyan oo Naira (Lacagta Nigeria) una dhiganta $104,000 oo Dollar.
Meydkeeda ayaa lagu aasay magaaladii ay kudhalatay ee Alibere ee gobolka Bayelsa, waxayna kudhimatay 100 sanno iyo dheeraad.
Ninka Hooyadiis oo dhimatay Dahab ku aastay markay Noolayd muxuu usamayn jiray.
15/12/2025
: Ciidamo ay Puntland ka dirtay magaalada Dhahar iyo ciidamo ka yimid dhanka maamulka Waqooyi Bari ayaa caawa kala fadhiya labada dhinac ee magaalada Xingalool halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco oday dhaqameed la fikir ah maamulka Waqooyi Bari. Waxaa laga cabsi qabaa in labada ciidan ay fooda is daraan.
Abdiasis farah said
: Ciidanka booliska gobolka Bari ayaa xiray labo hawl-wadeen oo ka tirsan shaqaalaha dekedda magaaladda Boosaaso, kuwaas oo lagu eedaynayo inay bixiyeen macluumaad dekedda ah.
Tafaasiil dheeraad ah lagama hayo sababaha keenay hawl-wadeenadaas iyagoo gudanaya waajibaadkoodda shaqo in lasoo xiro. Xukuumada Puntland ayaa sidoo kale shaqaalihii shirkadda DPWORLD ee dekedda Boosaaso maalmo ka hor moobeeladii ka aruursatay iyaddoo sheegtay inay baarayso ka dib markii la baahiyay gadiid loo waday dalka Kenya oo xeradda PMPF laga saaray.
Puntland ayaa wadda olole ay kagga hortagayso in saxaafada madax-banaan ay galaangal xagga xog-helista ku yeelato xafiisyadda kala duwan ee dawlada si shacabka Puntland aan loola wadaagin macluumaadkaas oo looga qariyo.
Mohamoud Nadiif
15/12/2025
Puntland oo daahfurtay Hey'adda Diwanagelinta Dadweynaha.
16/09/2025
Waa Maalinta Aqoonsiga Adduunka, adiga ma haysataa aqoonsi?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Tukaraq Village
Mogadishu
Opening Hours
| 03:55 - 17:00 |