Aw-Kaabe

Aw-Kaabe

Share

( أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ)

19/05/2026

wiilkaa yar waxaa lagu magacaabaa Axmed, Gumaystaha isrll ayaa la beegsaday qarax bam ah sanadkii 2024ka, ka dib waxa uu ku waayay lugtiisa midig iyo gacantiisa bidix.

Bal muxuu galabsaday.

19/05/2026

Cajiib!... "Wadaniyadu ma dhimato kolka dadkeeda la dulmiyo"

labadaa gabdhood hooyadood waa la dilay gurigoodiina waa la dumiyay, laba sanno ayaa laga joogaa dhacdadan, maanta waxay ku suganyihiin gurigoodii oo burbursan oo bilaa hooyo ah.

18/05/2026

Maxbuus h**e oo Falastiini ah oo lagu magacaabo Imad Nabhan ayaa TRT Arabic uga ka sheekeeyay dhibaatooyin uu sheegay inuu kala kulmay ciidamada Israa’iil, ka dib markii lagu qabtay gudaha marinka Qasa.

Nabhan wuxuu sheegay in lagu xiray sanduuq alwaax ah muddo 12 maalmood ah, isagoo ku jiray meel mugdi ah oo gacmaha iyo lugaha ka xiran yihiin. Wuxuu sheegay in cuntada iyo cabitaanka loo siin jiray si aad u yar, iyadoo tubo yar laga soo gelin jiray daloolo yaryar oo sanduuqa ku yiillay.

Sida uu sheegay, ciidamada Israa’iil ayaa ka qafaashay iskuul ku yaalla Qasa, xilli isaga iyo dad kale oo rayid ah ay u socdeen goob ay gabaad ka dhigtaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu cadaadiyay inuu noqdo mid xogta gododka Xamaas uga soo aruuriya ciidanka Israa’iil.

Nabhan wuxuu tilmaamay in markii uu diiday arrintaas lagu sameeyay jirdil koronto, kadibna lagu riday sanduuqaas. Wuxuu yiri ciidamada waxay ogaayeen inaysan jirin wax xog ah muhiim ah oo aan hayay, balse waxay doonayeen inay xanuun badan gaarsiiyaan.

“Waqtigaas waxaad jeclaaneysaa dhimasho, laakiin ma heleysid,” ayuu yiri Nabhan isagoo ka hadlayay xaaladdii uu ku jiray.

Ka dib markii la sii daayay wuxuu sheegay inuu la kulmay suuxdin iyo gariir badan maalin kasta, isla markaana uusan helin daryeel caafimaad dhowr maalmood ah.

~

18/05/2026

Inta uu Caafimaadkaagu kuu oggolaanayo in aad u istaagto Salaadda waxba kaama maqna. Alxamdulillaah.

15/05/2026

“36 Sano Ayaynu Jaas Iyo Ciyaar Ku Jirnay, Maxaynu Maanta Ku Haynaa? Waa Kuwaas Dhalinyaradeennii Badaha Ku Dhimanaysa, Dhaqaale ahaanna Weli Waynu Hoosaynaa. Xukuumadda Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Wax Ka Qabato Munaasabadahan 18-ka May Ee Lacagaha Badani Ku Baxayaan, In La Yareeyo Oo Ilaahay Laga Cabsado,”Sheekh Shacbaan.

Sidee u aragtaa ?

Photos from Aw-Kaabe's post 14/05/2026

koonfurta lubnaan..

kuwani waa laba qays oo kala gaar ah laakiin isku qiso ah.

sawirka koowaad: waa Naadir cabdimakki iyo wiilkiisa cali, sawirka waxaa ka maqan wiil kale oo uu dhalay Naadir laguna magacaabo kariim. Cali iyo kariim iyo aabahood saddexduba way shahiideen ka dib markii dayaaradaha gumaystaha isrll ay gurigooda duqaysay..

Sawirka labaad: waa qoys ka kooban Aabe, Hooyo iyo laba wiil ay dhaleen. Gurigooda ayaa la duqeeyay oo gantaallo lala dhacay, markii ay ka baxsadeena waa laga daba tagay, oo halmar bam lagu dhuftay, (inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun) way shahiideen. Caruurtii oo jidhka waalidkood ku basbeelay baa loo tegay.

Gumaystihii lupnaan gumaadkuu ka wado maxay warbaahintu u qarinaysaa? Arrinka warbaahintu waa iska cadyahay maalinba meel bay ujeestaan ama loo jeediyaa, maalin Gaza maalina iiraan.

14/05/2026

Addoonku Jannada ma galo ilaa la daahiriyo.

Imaam Ibn al-Qayyim — Alle ha u naxariistee — wuxuu yiri:
• Addoonku ma geli karo Jannada ilaa la daahiriyo oo laga sifeeyo dambiyada iyo ceebaha. Daahirintaasna adduunka waxay ku dhacdaa afar arrimood:
❶ — Toobad keenid.
❷ — Dambi-dhaaf weydiisasho.
❸ — Camallo wanaagsan oo tirtira dambiyada.
❹ — Dhibaatooyin iyo musiibooyin dembiyada kafaaro-guda.

• Haddii afartaas aysan ku filnayn sifayntiisa iyo daahirintiisa, waxaa lagu daahirinayaa barzakha saddex arrimood:

❶ — Salaadda iyo ducooyinka dadka mu’miniinta ah ay u sameeyaan, iyo shafeecadooda.
❷ — Imtixaanka qabriga.
❸ — Camallada wanaagsan ee walaalaha Muslimiintu u hibeynayaan.

• Haddii saddexdaasna aysan ku filnayn daahirintiisa, waxaa lagu daahirinayaa maalinta Qiyaamaha saddex arrimood:
•Argagaxa iyo dhibaatada maalinta Qiyaamaha.
•Shafeecada kuwa la oggolaaday inay shafeecaan.
°Cafiska Alle

• Haddii dhammaan kuwaas aysan ku filnayn daahirintiisa, markaas Naarta ayaa u noqonaysa nadiifin iyo sifayn dambiyadiisa. Joogitaankiisuna wuxuu ahaanayaa inta ay le’eg yihiin dambiyadiisa iyo xumaantiisu — badnaantooda ama yaraantooda, xooggooda ama tabartooda. Marka laga nadiifiyo xumaantaas oo uu noqdo mid saafi ah oo wanaagsan, waxaa laga soo saarayaa Naarta, waxaana la gelinayaa Jannada.

13/05/2026

Ilmahan yar. wuxuu waayay dhammaan qoyskiisii laga bilaabo Aabihii, adeeradii, kuwii wax u ahaa ilaa walaalihii oo dhammaantood shahiiday, waxaana usoo haray oo keliya hooyadiis.
Maalmo yar kadibna hooyadiis ayaa sidoo kale la dilay, isaga oo gebi ahaanba kaligiis looga tagay dunida.

waxaad mooddaa in qoyskiisa la beegsaday, si uu Adduunka ugu silco oo gumaystaha isugu dhiibo, laakiin waakaa. waxaa umuuqata qiimaha shahiidnimadu leedahay.

Allaw Allaw, Allaw ugargaar.

13/05/2026

【Yusra Mohamed】

Dadka qaar inta ay is hilmaamaan marka ay xukunka ama lacagta helaan ayay awooddooda u adeegsadaan dadka kale ee ay la nool yihiin. Balse ogaada, idinku k**a fiicnidin dadka kale sababtoo ah jagadaadiina ama awoodiina bulshada.

Qofka loo shaqeeyoow, in aad dadka shaqaaleysiiso, ood mushahar siiso, oo ay kuu shaqeeyaan, macnaheedu maaha in aad awood iyo xukun ku leedahay. ogoow, Adigu ma lihid iyaga. Waxaad wax ku bixinaysaa oo kaliya adeegyada ay kuu qabtaan ama ay kuu siiyaan, balse ma aha noloshooda.

waxaad leedahay awood aad lacag ku samaysato, mase lihid awood aad ku samaysato bini’aadam. Weligaa ma maqashay qof aad u xoog badan oo abuuray qof kale? ama qof bini’aadam ah oo awoodiisa iyo lacagtiisa u adeegsaday inuu noociisa ku abuuro?

waa inaan baranaa inaan ixtiraamno nooc kasta oo bini'aadamka ah, dhib ma laha halka uu maanta nolosha ka joogo, muuqaalkiisa, mawqifkiisa iyo midabkiisa, mansabkiisa , dhammaantood waxay ka tarjumayaan sawirka Eebbe sida adiga oo kale. Awooddaadu marna ma gaadho heerkooda iyaga.

Dadka shirkadaha leh ama maamuloow , dadka aad la nooshihiin waxay adeegyadiina u ixtiraamaan si aad ugu adeegtaan Balse maaha inad ku xadgudubtaan , taas ha ilaawin. su'aashaasa nacasnimada ah, ee "ma garanaysaa qofka aan ahay? iyo inaan Xasaannad leeyahay sow ma ogid? waa in la joojiyaa!

waxaad tahay qof bani'aadam ah oo la mid ah kan aad su'aalahan oo kale weyddiinayso. dhammaantiin waxaa laydinku abuuray aragtida iyo awooda Ilaahay, midna k**a roona ama ka xoog badan kan kale. dhammaan waan isku baahannahay. waa in aad dadka ixtiraamtaan, ubadkiinana si ay taas u ogaadaan-- iskagana daayaan ku takri falka awooda , xilalka iyo lacagta.

Waan ka xumahay waxa ku dhacay gabadhan. Waxaan la jirnaa dadka la dulmiyay.

12/05/2026

Maamo Ijaabo Sugulle Xanaf oo ahayd Maamadii ku sawiranayd Lacagta Shilin Soomaaliga ayaa kamid ah Dadka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Guryaha ka dumisay. Arrin udhigan Halaagii dhacay looma kala harin.

12/05/2026

Sawir murugo ah!

Hooyo daawanaysa qoyskeedii oo wada shahiiday, dhacdadani waxay dhacday sannadkii h**e. waxay hor fadhidaa carruurtii ay dhashay, Aabahood, walaalaheed iyo kuwo ay ehel yihiin. kafan ayay kuwada duugan yihiin.

Markuu mid xasuusteeda kusoo dhaco mid kale ayaa isna kusoo dhacaya isla judhaba mid kale hadana mid kale.... ilaa ay iyadii ismooday inay tahay mayd iyaga ka mid ah.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Hargeisa