Apdirisak Mohamoud

Apdirisak Mohamoud

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Apdirisak Mohamoud, Public Figure, Hargeisa.

11/03/2025

Imika ma waxa leedin daaha gaas ciidanka qaranka lagu daray oo jiida loosi wadaa ๐Ÿ™†๐Ÿ™‰๐Ÿ˜‚

03/03/2025

HARGEISA hadh-wanaag๐Ÿซถ

28/02/2025

Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:

1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aadan uqastiyin
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:

1. Cunid & cabid
2.Jimaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Hadii uu diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman

Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka

Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & tahajudka
3. Wanaaga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro

Soonka qofku waa uu iska Afuri karaa hadii Saddexdan mid yahay.
1. Haduu yahay musaafir
2. Haduu xanuunsado xanun daran
3. Hadey.Tahay Hooyo ayna u cabsato ilmaha ay nuujinayso ama midka caloosha ku jira .

Insha'allaah alle hayna gaarsiiyo bisha barakaysan ee Ramadaan - sii faafi qoraalkan oo walaalaha kale gaarsii si ay uga faaiidaystaan.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Culinary Team

Attire

Website

Address

Hargeisa