Eng Shafi'i Ali Hade

Eng Shafi'i Ali Hade

Share

candidate

09/05/2026

Hormar & Hufnaan

Bulshada sharafta leh ee Galkacyo,
waxaan idiin la wadaagayaa aragti ku dhisan hormar, hufnaan iyo adeeg bulsho oo tayo leh.

Himiladaydu waa magaalo leh kaabayaal casri ah, amni iyo isdhexgal bulsho, dhalinyaro helaysa fursado waxbarasho iyo shaqo, iyo deegaan bilicsan oo ifaya.

Isbedel dhab ah wuxuu ku yimaadaa wadajir, daacadnimo iyo hoggaan u adeegaya shacabka.

Aan gacmaha is qabsanno si aynu u dhisno magaalo horumarsan oo ay bulshada oo dhan ku faanto.

Galkacyo waxay mudan tahay hormar iyo hoggaan hufan

16/04/2026

Horumarsan iyo Hufnaan

Photos from Eng Shafi'i Ali Hade's post 06/04/2026

Waxa aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qayb galo kulan muhiim ah oo uu qabtay ururka siyaasadeed ka JSP kulankaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Wasiir Goobe .

ka qaybgalka kulankan wuxuu ii ahaa sharaf iyo dhiirrigelin weyn, maadaama uu muujinayo midnimada, wadajirka, iyo himilada fog ee ururkeennu u hayo horumarka shacabka iyo dhismaha dowladnimo adag.

Soo dhaweynta wasiir Goobe waxay astaan u tahay in ururkeennu leeyahay hoggaan, aragti, iyo awood mideysan oo ku dhisan adeegga bulshada, horumarinta deegaanka, iyo difaaca danaha shacabka.

Waxaan uga mahadcelinayaa hoggaanka ururka iyo dhammaan xubnaha dadaalka iyo abaabulka quruxda badan ee lagu muujiyay kulankan.

Guul iyo horumar waxaa lagu gaaraa midnimo, wada shaqeyn, iyo hoggaan hufan.

20/03/2026

Hambalyada Ciidul Fidriga.

waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan muslimiinta sigaara shacabka reer Gaalkacyo munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan cibaadadii aan soo gudannay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

Shacabka reer Gaalkacyo, ciiddu waa maalin farxad, is-cafis iyo isu-tanaasul. Waa fursad aan ku xoojino midnimadeenna, walaaltinimada iyo wadajirka bulshada.

Ciid Mubaarak dhammaan shacabka reer Gaalkacyo.

Photos from Eng Shafi'i Ali Hade's post 09/01/2026

QADO SHARAF & KULAN WADA-TASHI WARIYAASHA

Sharaf ayay ii ahayd Maanta In aan wada qadayno wariyaasha warbaahinta kala duwan, ee ka Howlgala Gobolka mudug.

Kulanku wuxuu ahaa mid aan si furan ugu wadaagnay aragtidayda hoggaamineed, qorshayaasha horumarinta degmada, mudnaanta adeegyada bulshada, iyo sida aan u wada xoojin doono wada-shaqeynta dowladda hoose iyo warbaaninta.

Waxaan si gaar ah u adkeeyay doorka warbaahinta ee ilaalinta hufnaanta, gudbinta xogta saxda ah, iyo kicinta ka-qeybgalka bulshada hormarinta .

Waxaan uga mahadcelinayaa wariyeyaasha ka soo qeyb galay kulankan, iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay nala wadaageen.

Mahsanidiin.

28/12/2025

Hambalyo

waxa,aan halkan hambalyo iyo bogaadin qalbiyeed uga dirayaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Soomaaliya ee ay doorteen shacabka.

Waxaan idinku hambalyeynayaa kalsoonida weyn ee ay idin siiyeen dadweynaha, taas oo ah masuuliyad culus iyo sharaf qaran.

Doorkiinna hoggaamineed waxa uu muhiim u yahay horumarka, nabadda, iyo adeegga bulshada caasimadda, waxaana rajeynayaa in aad si hufan, cadaalad iyo daacadnimo leh ugu adeegtaan shacabka idin doortay.

Eng Shafi'i Ali Hade

Photos from Eng Shafi'i Ali Hade's post 18/12/2025

Maanta waa maalin taariikhi ah waxa aan aniga iyo team-kayguba si rasmi ah iskaga diiwaan gelinnay, midkamida xarumaha Diwaangalinta ee Degmada Galkacyo.annaga oo u taagan masuuliyad, hoggaan, iyo isbeddel dhab ah.

Waxaan u istaagnay tartankan annaga oo leh himilo fog, iyo qorshe u adeegidda bulshada si daacadnimo iyo hufnaan leh.

Waxaan aaminsanahay in wadajir iyo kalsooni lagu gaari karo horumar waara, aniguna waxaan ballanqaadayaa inaan codkiinna, danta guud, iyo mustaqbal ifaya u noqdo hormuud.

18/12/2025

Kusoo dhawaada kani waa page Ka rasmiga ah ee musharax mayor Degmada Galkacyo Eng shafici Ali aadam

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Gaalkacyo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address

Gaalkacyo