Action Portrait Studio
Hoyga Qurxinta Maalintaada Arooska👰
📸Action Portrait studio (APS)🎬
Contact:-📲☎️ +2520907566846
Maanta waxay noo ahayd maalin taariikhi ah oo qalbiyadeenna farxad gelisay. Xarig-jarista Action Studio – Branch 3aad waxay noqotay mid ka qurux badan intii aan filaynay, taasoo ay sabab u ahaayeen dhammaan dadkii qiimaha badnaa ee nala wadaagay farxaddaas.
Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa marti sharaftii, saaxiibbadii, macaamiishii, iyo dhammaan dadkii quruxda badnaa ee kasoo qayb galay munaasabadda. Joogitaankiinnu wuxuu noo ahaa sharaf weyn, dhiirrigelin iyo taageero aan la ilaobi doonin.
Taageeradiinna iyo kalsoonidiinna ayaa ah sababta aan u gaarnay heerkan. Waxaan ballanqaadaynaa inaan sii laba jibbaarno dadaalka, isla markaana aan idiin soo bandhigno adeeg tayo leh oo ka sarreeya filashada.
Mahadsanidiin dhammaantiin — guushaan waa mid aynu wada leenahay 🤍
18/02/2026
Grand Open ✂️📸 18/feb/2026
Waxaa si heer sare ah loo qabtay xafladdii xarig-jarista xarunta cusub ee Action Studio – Branch 3aad. Degmada Waaciye
Munaasabadda ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxaana kasoo qayb galay marti sharaf iyo dad aad u qurux badan oo farxad iyo damaashaad la wadaagay maamulka iyo martida kale.
Maamulka Action Studio waxay si kal iyo laab ah ugu mahadceliyeen dhammaan dadkii kasoo qayb galay, gaar ahaan taageerayaasha iyo bulshada sida diirran u soo dhaweeyay furitaanka xarunta 3aad. Waxay sheegeen in furitaanka laantani uu yahay tallaabo cusub oo horumarineed oo lagu ballaarinayo adeegyada ay bulshada u hayaan.
Jawigu wuxuu ahaa mid farxad, sawirro, qosol iyo hambalyo isugu jira, iyadoo martidu muujiyeen dareen taageero iyo dhiirrigelin.
Ugu dambeyn, maamulka Action Studio waxay balanqaadeen inay sii wadi doonaan bixinta adeeg tayo sare leh iyo inay mar walba la shaqeyn doonaan bulshada.
Mahadsanidin dhammaan Reer waciye🙏🏻❤️
17/02/2026
🌙 Fariin Hambalyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan
Anigo Ku Hadlaaya Afka Maamulka iyo dhammaan howl-wadeennada Action studio Company waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan macaamiisheena, taageerayaasheena, iyo bulshada aan la shaqeyno, munaasabadda curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Ramadaan waa bil khayr, naxariis, iscafis iyo isu naxariisasho. Waa fursad qaali ah oo lagu xoojiyo cibaadada, midnimada, iyo walaaltinimada bulshada dhexdeeda.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naga aqbalo soonka, salaadda, iyo camalka wanaagsan, kana dhigo bil nabad, barwaaqo, iyo guul u soo hoyata dhammaanteen.
Ramadaan Kariim.
Hambalyoh All Muslim❤️
17/02/2026
GRAND OPEN✂️📸🎥🙏🏻
Coming Soon
18/Feb/2025
Tommorow InshallH✂️📸
Branch Waaciye
Action studio Company 📸✂️🎥🙏🏻
HambaLyoH
Mudane Ahmed 💍 Marwo Muna
🎥 Action Studio
Maalintada Farxada QabiiLkee Jeceshahay ina Ka Guursato
HambalyoH
🤵🏻Mudane Ahmed 💍 Marwo Muna 👰🏻
MeHer wacan Lamane
🤵🏻Ahmed 💍 Muna 👰🏻
📍 Mareero Hotel Bosaso
📸🎥 Action Studio Company
26/08/2025
📸
•Meher Wacan 🤵🏻👰🏻
•🤵🏻👰🏻 Sakariye mohamud muuse 💍 Fadumo abdulahi mohamud ibrahim
•📍 🏨 Beerta Nabada Isticmaar
•🎬📸 Action Portrait Studio
•📞📲 +2520907768303- +2520907566846
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Bosaso
907566846