Dunida Muslimka

Dunida Muslimka

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dunida Muslimka, Author, Baraawe.

08/05/2025

seddaxda Awoodood ugu waa weyn ay muslimiinta haystaan.

27/01/2024

Haday dadka kudhahaan xagee Rabtaa? Waxaad ku dhahdaa Waxaan Rabaa halka ugu saraysa.

Weligaa Haku Qancin meelaha liidata In aad Doorato. Muslim ayaad Tahay Si heer sarre Unooloow.

Waxaan kufaanaya In aan ahay muslim. sax waan gefi karaa .sax waan qaldoomi karaa. Sax Naftayda macaasi ayay kudhici kartaa intaas insaan ayaan u ahay. Haddana Rabigay marweliba waan ulaabta. Illaa hadda jihaad weyn ayaa kula jiraa Naftayda Xuma doonta ah. Illaa aan kadhimanayo Naftayda jihaadkaas waan kula jiri doonaa. Maxaa yeelay ayadu waxa ay ila rabtaa In xumaan ii hogaamiso. Anna waan kadiidaya, Dhinaca wannaaga ayaan ula Rabaa in uhogaamiyo oo Jihaad ayaan kula jiraa.

Haddii ikhristana waxaa kuusoo baxaysaa:

1.:in Aan ahay Qof insaan ah Allaah karaameyay.
2.In Soomaali ahay.
3.in Muslim ahay.
4. In ahay salafi oo isku feker ah jameecada Xaqa u istaagtay. Dacwada islaamka faafinteeda Astaan u ahayd Ee jameecatu (Ikhwaanul-muslimiin) islamarkaana kusifowday Xadiiska Nebiga Scw.

عن ثوبان، قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((لا تزال طائفة من أمتي ظاهرين على الحق، لا يضرهم من خذلهم، حتى يأتي أمر الله وهم كذلك)).

12/09/2023

Dunidaan markuu Rabi ku Kenyay kaligaa ayaa lagu Kenay, haddana kaligaa lagu wadaa katagaysa, Maxaa kaa horeeya oo camal wanagsan samaysatay? Laga bilaawo Qaarnimadaada ilaa hadda maxaa soo qabatay?

Ugu dambayn wallaalkayga/walshay geerida kulama Tashanayso, jogtay camalka Wanaagsan, allaahna waydii marweliba Naxariistiisa in kugu Arzaaqo.

11/09/2023

"Xitaa wadankaaga ama dhulkaaga ha ahaado haddii dhibaato kala kulmayso waxaad kutahay Ajaaniib, Xitaa Dhul kale ama wadankade Ha ahaado Haddii xuriyad iyo Amni kahelayso waxaad kutahay muwaadin"

-Saciid albaani

11/09/2023

«إنَّ مِن ورائِكم أيامَ الصَّبرِ ، لِلمُتَمَسِّكِ فيهنَّ يومئذٍ بما أنتم عليه أجرُ خمسين منكم ، قالوا ، يا نبيَّ اللهِ أو منهم ؟ قال ، بل منْكم»

حكم المحدث الألباني: إسناده صحيح

Bisharayso haddii Zamankaan Soo gaartay oo Samir lagaa Helay, Xaqana kusugan Tahay, Ajarkaaga waxa uu la egyahay 50 Saxaabi ajarkooda helaysaa.

30/06/2023

Caalim da'ah Ayaa masaajid ka istaagay maalin, Wacdigiisa waxa kamid ahaa:-

"Beenbaa idiin sheeigaya iga qaata, Beenbaa idiin. Sheegi Doona haa dhaha!!.

Caalimkii hadalkiisa Asaga fasiraya waxa uu yiri:-

Beenbaa idiin sheegaya igaqaata: "Soomaliya Hadda waa Xur waxba k**a dhaco" qaata midaas.

Beenbaa idiin Sheegidoona Haa dhaha: "Somaaliya Hadda shisheeya majoogaan" haa dhaha.

Hadaladaan Caalimkaan Somaaliyeed Aad udhuuxa. Xuriyad, Xuriyad xuriyad Ayaa Nagu wareeriyeen Aaway Xuriyadda.

Aaway Shisheeya wadanka kabaxay? Aaway Nabadda lahaysto Hadda? Aaway Amaanka masaakiinta haystaan?.

Beenta Marna Run manoqoto, Runta Way macdahay Runta Aan isku Sheegno.

Maalmahan Lasameyay Oo Wax laga xurooway Aan ujeedin Nagadaaya Ina adeeryaalow.

( Naqtiin)

17/06/2023

Waa zaman Aan aad ulayaabay, Dadkeena muslimiinta ee Soomaaliyeed, Waxay Marayaan meeshii ugu Liidatay, Markii Lacaayo Suubanaheena Nebigeena (S.C.W) Ma'arkaysid Badana cid kahadlaysa, Laakiin Qabiil haddii Wax laga sheego Waa lawada Qiirooda, Waxaan maraynaa meeshii ugu liidatay.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Baraawe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Baraawe