Awil Aden

Awil Aden

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Awil Aden, Athlete, Doha.

Photos from Awil Aden's post 07/04/2026

Hambalyo hambalyo inaadeer Capitano Ayanle Cabdi iyo dumashiday ikran siciid dahir oo meherkoodu dhacayo inshalah maalinta khamiista alle haysu barakeeyo qoyskaa cusub ee yagleelmaya, hambalyo hambalyo inaadeer

17/03/2026

Maxamed duruqsi, inankaas kubadu waa u fadhidaa, xirfadyahan dhalinyaro ah oo sidaas u ciyaara in lahelo waa dhif, laacib maskax badan oo kubad wanaag kujiro weeye, kaantoroolka kubada iyo siduu u fahmayo inuu dhaafsiisan karo kubada ciyaartoyga kaso horjeeda waa qaab cajiib ah. Waan hambalyaynayaa xirfad wanaagiisa, inuu dadaalo oo sii wado xirfadana waan rajaynayaa. Dhalinyaro badan oo isago kale ah'na gobolku waa u baahanyahay.

17/03/2026

Gaba-gebadii odoygii waynaaye Sacad Caynaashe ayaa koobkii ku guulaystay, dhalinyaradii kubadii waa ka ururiyay, waa awood sheegtay lejen'ku, waayo arag iyo xirfad-yahan khibrad badan. Hambalyo hambalyo ciyaaryahanka ciyaaryahanada, adiga iyo teemkaagaba.

Kooxda laga guulaystay waxay ahayd inay xooga saaraan inay goolal ku badiyaan, birta goolkaas yar iyo rikoorayaal uu sacad kujira inaanay rajo kasoo baxayn inay iska sii fahmaan'bay ahayd. Se iyaguna wa dadaaleen hambalyo kaalinta labaad.

15/03/2026

Ninka yar waa is cadeeyay, kooxdiisa wuxu h**e uga caawiyay inay afar-dhamaad tagto, maanta wuxu kooxdiisa u saaray kulanka ugu danbeeya, Final.

Laacibkaas yar hal rikoore uu qabtay ayaan gartay inuu inankaasi xidig wayn noqonayo, wuu sii wadaa juhdigii iyo dadaalkii, horumar badan ayaan u rajaynayaa insha allaah.

15/03/2026

Garoonkii waynaaye sheikh Osman nour (15 may ) waa camiranyahay, garoonkaasi wuxu ahaa garoon hayaan kubadeed oo dheer aan kusoo qaatay, dhalinyaro badanbaa isugu yimi tartamada ramadanka, kubadii burco xiiso badan ayay sii yeelatay. Dhalinyaradu kubad qurxoon ha ciyaareen, daganaan iyo ixtiraamna ha isku muujiyaan.

13/03/2026

Odaygii ayaanle kooxdiisii miyaa laga badiyay?

Waa ninka todoba laacib oo weerar ah soo kaxaystay, kooxdaas in weerarkana la xakamaynayo xaga danbena loo daba marayo oo goolal badan laga dhalinayo way iska cadayd.

13/03/2026

Nin waynbaa kamaradu soo qabatay.

Guuleed Bashir aw aadan carab, waayihiisii kubada cagta wuxu ahaa difaac aad u adkaa iyo hogaamiye kooxeed mayal adag, ninkaas aadbuu iigu adkaa markaan ka-hor iman jiray, difaac wada maqas ah oo xiliguu dhulka madaxa kuu galiyay uun aad ku warhelayso ayuu ahaa, markii danbena saaxib iyo ciyaaryahan aanu meel kawada duulno.

Wuxu kamid yahay asxaabtayda raga aan ugu jeclahay, hadaanu ka koowaadba ahayn, guulayso labada daaroodba saaxib

10/03/2026

Da''yarta noocan oo kale u xirfada fiican waa in la ilaaliyaa, ciyaryahankan oo kale heer-fiican ayuu ka gaadhi karaa kubada cagta haduu is ilaaliyo, balwada ku cadawga ah ciyaaryahankana iska ilaaliyo.

Ninkan yar goolkulaadkaas iyo kuwa kaleba siduu u raacanayay way ka muuqataa inuu da'yar soo baxaya yahay, waanan hambalyaynayaa.

26/02/2026

Kooxdanban ka tirsanahay tartanka ramadanka, tiimku wuu adagyahay niman waawaynba maskaxda kooxda ah, Khadar Adem iyo Deeq Aaden Ahmed, laacibkii waynaaye Khadar kaarliitana wuu ciyaaraya, iyo ciyaaryahan Shaafici Ali niman waawaynba safka kooxda ah, Kooxdayda koobka u rajaynayaa.

Mustaphe Abokor
Xamse Maxamed Ayax
Capitano Ayanle Cabdi Xaashi
Maxamed Jeesto

25/02/2026

Ramadaanka birtu waa macaan.

24/02/2026

Ramadanka dhalinyaradu si degen ha u ciyaareen, baastan iyo kubad dhulka taala. Garoonka goolasha halayara wayneeyo, ciyaaraha eber eber'ku uma fiicnee, meesha dadka soo daawasho tagay ha daawadeen goolal, quruxdu waa in shabagyada la booqdo hadii kale dadku way ku caajisayaane. Goolka yare labada mitir ah laba mitir oo kale ku dara, markaasa la isku awood sheeganayaaye.

Muuqaalkani waa waqtiyadii la bilaabayay tartanka ramadanka ee garoonka yar ee saylada, muuqaalo badan oo sida iminka laacibiinta looga duubo may jirin, dadkuba IPhone may sidan kamaradna hadalkeed daa.

Kooxdaydii wali may ciyaarin, dhalinyaro farta ka xidhan ayaan wataa, kooxaha is urursaday shaqaa u taal.

19/02/2026

Tartanka ramadanka ee garoonka lixle stadium waa kan ugu xamaasada badan gobolka, tartan ay isugu yimaadan dad badan oo jecel ciyaarta kubada iyo kuwa kale oo ku-suga afurka oo bishaas oo kaliya daawada. Garoonkaas waxaad bishaas ku arkaysaa dad badan oo aanad arag 11'ka bilood ee kale, waa goob kulmisa asxaab badan iyo fagaare camiran oo lagu daawado laacibiinta kubada farsamaynaysa.

Kooxaha kubad qurxoon ayaan u rajaynayaa, waa bil ramadaan in kubada lugta laga ciyaaro Lana dhawrto soonka oo la ilaaliyo bishan barakaysan ee cadhada dagaalka iyo turxaantu ka xarimantahay. Laacibiintu kubada ha ciyaareen, ha la isku farsamo sheegto oo dadwaynaha soo daawasho tagay ha la dhawro indhahooda si ay u daawadan ciyaaro iyo xidigo farsamo yaqaaniin ah.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Doha?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


Doha