Xuseen Badhaani

Xuseen Badhaani

Share

Member of Somaliland National Electoral Commission (NEC)

12/04/2025

Halkaasina Waa Qodob 🔨

29/03/2025

Ciid Wanaagsan dhammaantiin

31/12/2024

Somaliland 2024: Sannad Taariikhi ah

Sanadkii 2024-kii wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku muujiyey midnimo, adkaysi, iyo horumar dawladnimo. Guulihii doorasho iyo diblomaasiyadda waxay caddeeyeen in Qaranka JSL leeyahay awood iyo hufnaan uu ku gaadho himilooyinkiisa waaweyn.

Ilaahay sannadkan inoo curanaya ha ka dhigo mid kheyr, horumar, iyo midnimo.

16/11/2024

TACSI: Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan qoyskii, qaraabadii, iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Madaxweynihii h**e ee JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay ku geeriyooday caasimadda JSL ee Hargeysa.

Axmed Silaanyo wuxuu ka tagay taariikh siyaasaddeed, mid halgan iyo mid hogaamineed oo maguurta ah taas oo ku xardhan quluubta bulshada JSL, iyo guud ahaan geyiga shanta Soomaliyeed ba. Axmed Siilaanyo wuxuu astaan u ahaa geesiyaasha soo jireenka ah ee taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland xuska ku leh.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumka u naxariisto, jannadii Firdowsana ka waraabiyo, dhammaan eheladiisa, qaraabadiisa, iyo qarankana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Waad gudatay AXMEDOW, xilkii kula gudboonaa !

19/10/2024

Billaddaha Wanaaguu sitaa, boqol kun oo goor - Abwaan Cabdilaahi Ibraahim X. Xassan

Sheekh Yaasiin waa macallinkaygii caruurnimo, oo aanu markii danbe na shaqada isku soo gaadhnay, macallinimada na igu soo dhaweeyey oo isku mihnad aanu noqonay. Xalay baanu iskugu nimid kulankii Culimada dalka JSL iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee arimaha doorashooyinka.

Sheekh Yaasiin waa shakhsi akhlaaq, aqoon, niyad wanaag, iyo karaamo Alle u dhaliyey, oo qof kasta oo noloshiisa mar arkay xusuus wanaagsan ku reeba, Alle ha ku sharfo.

F.G: Dhallaanimo Wacnaydaa: Xasuustii Ardaynimo iyo waayowaayo ayuu kulankiisii xalay dib iigu celieyey. Qoraal ba, maan karayn caawee, xuska macallinkayga baa daalkii shaqada maanta ee badnayd i ilowsiisay.

05/08/2024

HAMBALYO: Waxaan hambalyo u dirayaa walaalkay Mustafe Cabdisamad & dumaashiday Asma-Ilwaad oo meherkoodu ka dhacay dalka Norway. Ilaahay ha isku kiin barakeeyo, ubad kheyr-qaba na haydin siiyo, Aamiin.

BAARAKALAAHU WABAARAKA CALAYHI, WAJAMACA BAYNA KUMAA FILKHEYR AW BILKHEYR.

14/07/2024

Ingiriis🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruude Halkaasina Waa Qodob

24/06/2024

TACSI: AHN Cabdiraxmaan Yaasiin Cali-Gadhle oo shalay ku geeriyooday shil baabuur, maanta bacdal casarkiina lagu aasay magaalada Burco. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan qoyska Reer Cali-Gadhle, Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo, isaga qarbiga ha u nuuro. Aamiin.

26/05/2024

TACSI: AHN Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Alle qabriga ha u nuuro, jannooyinkiisana ha ka waraabiyo. Alle samir iyo iimaan ha ka siiyo bulshadii Suldaanka uu ahaa, qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka JSL.

17/05/2024

HAMBALYO: Sannadguuro wacan dhamaan bulshada JSL. 18th May 2024

20/04/2024

TACSI: Waxaan tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay AHN Cismaan Aadan Iimaan (Xoog)- Wasiirkii h**e ee Wasaaradda Waxbarashada JSL oo ku geeriyooday Dalka Canada. Wuxuu ahaa aqoonyahan mudakar ah, oo akhlaaq iyo af-gaabni isku darsaday, oo wakhtiyo kala duwan u soo shaqeeyey dalkiisa, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka JSL.

Anniga waxa uu igu leeyahay xusuus gaar ah, waan la shaqeeyey xilligaa uu ahaa Wasiirka waxbarashada JSL, waxa uu ii magacaabay Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadda Wasaaradda Waxbarashda JSL. Wuxuu ahaa shakhsi ku sifoobay daacadnimo iyo daljaceyl. Alle jannada ha ku deeqo, eheladi iyo Shacbiga JSL ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Koror?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Koror