Marseille Stars

Marseille Stars

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Marseille Stars, Journalist, Ifo.

21/11/2024

Idris oo shalay children of day kula guulaystay Section A U17 cup asagoo safka kowaad ka ahaa xidigaha uu taba barahayay macalin Marcelo asal ahaan idra waxa uu kaso jeda xafada D:3

Ma jirin koox D kaso dhisan oo saxiix uso bandhigtay ifo Champions Leagu kadib da,yarkan cajiibka ah, xidigan lagu nanayso Trippier ee ku caan baxay bulusiyoonka milkilaha kooxda hegan Deeq ayaa marki uu la dhacay hibadisa go,aan saday inu ku kabo kooxda Heegan Kuna si xoojiyo sanadaha so socda

Trippier. Exceptional. 💪

7 Arrimood Oo Ka Dhasha Cabista Biyaha Kulul Ee Subaxdii - Daryeel Magazine 02/10/2024

Dadka qaar waxay subaxdooda ku bilaabaan koob shaah ama kafee ah si ay furfurnaan uga helaan, halka qaar kalena ay cabbaan biyo qabow, balse waxaan maanta soo qaadanaynaa arrin cilmi baarisyo badan lagu sameeyay oo ah cabista biyaha diirran ee subaxdii:

7 Arrimood Oo Ka Dhasha Cabista Biyaha Kulul Ee Subaxdii - Daryeel Magazine Waxaan qormadaan ku xuseynaa 7 sheey oo u wanaagsan jirka qofka oo ka dhasha cabidda biyo kulul subax walba. Waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan

Calaamadaha Waaweyn Ee Kaalsiyam Yarida Iyo Xanuunada Ka Dhalan Kara - Daryeel Magazine 30/09/2024

Kaalsiyam waa macdan aasaasi ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Waxaa la ogaaday in macdanta kaalsiyam 99% lagu keydiyo ilkaha iyo lafaha, halka inta soo hartay lagu keydiyo murqaha, dhiigga iyo nudeyaasha. Ka baro qoraalkan astaamaha kaalsiyam yarida iyo xanuunada lala xiriiriyo:

Calaamadaha Waaweyn Ee Kaalsiyam Yarida Iyo Xanuunada Ka Dhalan Kara - Daryeel Magazine Kaalsiyam waa macdan aasaasi ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Waxaa la ogaaday in macdanta kaalsiyam 99% lagu keydiyo ilkaha iyo lafaha, halka inta soo hartay lagu keydiyo murqaha, dhiigga iyo nudeyaasha. Jirka bani-aadamku waxa uu u baahan macdantan si uu guto howlaha kala duwan ee muhiimka ah. K...

Sababaha Dumarka Quruxda Iyo Fariidnimada Isku Darsada Ay Guurka Uga Daahaan - Daryeel Magazine 29/09/2024

Cilmibaadhis ay samaysay majallad caalamiya oo ka faalloota arrimaha haweenka ayaa daahfurtay in ragga badankoodu ay aaminsan yihiin in dumarka quruxda badan ee fariidnimada ku darsaday, kuna dadaala in ay ilaaliyaan quruxdooda iyo xarragadooda ay si sahal ah u helaan guur, laakiin ay taasi tahay been ay iska dhaadhiciyeen raggu:

Sababaha Dumarka Quruxda Iyo Fariidnimada Isku Darsada Ay Guurka Uga Daahaan - Daryeel Magazine Laba kooxood oo ah cilmibaadhayaal ayaa daraasado arrintan la xidhiidha oo ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka noocan ah badankoodu ay inta badan nin la’aan dhacaan, waxa aanay cilmibaadhayaashu tiriyeen liiska sababo ay arrintaas u aanaynayaan.Laba kooxood oo ah cilmibaadhayaal ayaa daraasado arri...

29/09/2024

Sheekadaan si wanaagsan u akhri

Waxay tiri 1988 dii anigoo jaamacad ka shaqeeyo ayaa jaamacadda waxaa kusoo biiray nin aqoon leh oo dhigayay maadada Shariicada, anna waxaa igu taagnaa khilaaf aniga iyo ninkayga na kala soo dhex galay waxaan is iri la tasho ninkaan aqoonta leh hadana diinta yaqaana

Way la hadashay waxayna ku tiri ninkayga ayaa naag kale ila guursaday waxaana rabaa inaan furiiin dalbado ka waran?

Ninkii wuxuu waydiiyay sababta aad furiinka u dalbanayso ma in uu naag kale guursaday darteeda mise wax kale ayaa jira?

Waxay tiri waa inuu naag kale ila guursaday sabab kale ma jirto.

Wuxuu ku yiri furiinkaas waad ka shalaayn doontaa mar aysan shallaayda waxba tareynin, markii lagu furana fursad aad qof wanaaagsan ku helaysid way sii yaraan doontaa, ama qof wayn oo duq ah ayaad guursan doontaa ama nin naago kale qabo ayaad aqbali doontaaa ama maba guursan doontidba kuwaaso ah khasaaro adiga kusoo gaarayo.

Intaas kaliya maahe meesha aad ka shaqeysid markay maqlaan in lagu soo furay waxay kuu arkayaan hilib bisil oo kale oo u baahan in la cuno kaliya, sababtoo ah garoob wax ma diido ayaa ka dhaa dhacsan rag badan ama waxba lama hareyso sida gabar mustaqbal sugeyso oo kale.

Waxay ku tiri meesha aan ka shaqeeyo ragga waa wanaagsanyihiin ee sidaad moodid maaha waana kuwa akhlaaq leh.

Ninkii ayay iska furtay safar ayay gashay sanad iyo bar kadib way soo laabatay shaqdeeda ayay timid kadib ninkii la talinayay ayay aragtay waxay ku tiri wali ayaad tahay sidaad wax walbo u sheegtay ayay u dhaceen raggii aan moodayay inay yihiin kuwa dhaqan wanaagsan markii la i furay meel aan ka galo ayaan wayay ayagoo rabo inay iga faaidaystaan.

Ninkii wuxuu ku yiri Wali maahi ee waa arin uu qiyaasi karo qof walboo aqli leh

Waxay ku tiri hadda markaan iska furay ninkii danta waxay igu qasabtay inaan dumaashiday la joogo taaso si xun iila dhaqmayso, markii horena waxaan ahaa qof sharf leh kaligeed meel daggan .

Luqmaan Aden

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka - Daryeel Magazine 28/09/2024

Kareemyo aad korka marsato kuma filna maqaarkaaga waxaa ka sii muhiimsan qaadashada cuntooyinka maqaarka uroon ee hodanka ku ah fitamiinnada si loola dagaallamo xanuunada maqaarka ku dhaco, quruxda maqaarkana loo kobciyo:

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka - Daryeel Magazine Haddaba casharkan waxaan ku qaadanaynaa 10 cunto oo u wanaagsan caafimaadka iyo quruxda maqaarka, ka hortagna u ah cudurrada maqaarka.

15 Daqiiqo Oo Socod Lugta Ah Maalin Kasta Waxaa Laga Helaa Faa'idooyinkan - Daryeel Magazine 25/09/2024

Faa’idooyinka laga helo socodku kuma koobna miisaan dhimista oo keliya, balse waxa ay sida oo kale wanaajisaa dabeecadda iyo dad la dhaqanka qofka, waxa ay yaraysaa walwalka iyo diiqada, waxayna xoojisaa hal-abuurka:

15 Daqiiqo Oo Socod Lugta Ah Maalin Kasta Waxaa Laga Helaa Faa'idooyinkan - Daryeel Magazine Faa’iidooyinka laga helo socodku kuma koobna miisaan dhimista oo keliya, balse waxa ay sida oo kale wanaajisaa dabeecadda iyo dad la dhaqanka qofka, waxa ay yaraysaa sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah, waxayna xoojisaa hal-abuurka. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku ...

Xanuunnada Laga Qaado Dhafarka Badan Iyo Talooyin Anfacaya Dadka Habeenkii Soo Jeeda - Daryeel Magazine 24/09/2024

Dhafarka habeenkii waa wax khilaafsan sunnadii eebe ugu tala galay bini’aadanka, eebe wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meel in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaqa, qofka bini’aadankane labaduba uusan ka maarmi karin. Ka baro qoraalkan xanuunada laga qaado dhafarka:

Xanuunnada Laga Qaado Dhafarka Badan Iyo Talooyin Anfacaya Dadka Habeenkii Soo Jeeda - Daryeel Magazine Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan.Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii

Faaiidooyinka Caanaha Marka La Cabbo Hurdada Ka Hor - Daryeel Magazine 24/09/2024

Caanuhu waxa ay leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad, sababtuna waa maaddooyinka waxtarka badan ee ay hodanka ku yihiin. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay aad ugu taliyaan in caanaha la cabbo marka la sii seexanayo xiligaas oo ay sheegeen in laga helo faaidooyin ay ka mid yihiin:

Faaiidooyinka Caanaha Marka La Cabbo Hurdada Ka Hor - Daryeel Magazine Qormadan waxaan ku soo gudbinaynaa faaiidooyinka caanaha iyo sababaha loogu dardaarmo in la cabbo hurdada ka hor

Cilladaha Maskaxeed Ee Laga Qaado Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Gacanta - Daryeel Magazine 22/09/2024

Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena. Waxa uu inoo noqday qalab isgaadhsiineed aan laga maarmi karin iyo balwad aynu qabatinnay gacan ku haynteeda iyo isticmaalkeeda kala duwan.

Majaladda Tech-Pet ayaa soo bandhigtay xanuunno maskaxeed oo ay suurtagal tahay in ay ka dhashaan ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee taleefanka gacanta ee casriga ah, waxaana ka mid ah:

Cilladaha Maskaxeed Ee Laga Qaado Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Gacanta - Daryeel Magazine Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena. Waxa uu inoo noqda...

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Ifo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Culinary Team

Attire

Address

Ifo