Deeq Aariyo

Deeq Aariyo

Partager

LAMBAR 9KII H**E Heegan Sports Club 💙🤍 IYO
OCEAN STARS🇸🇴🇸🇴🇸🇴💪🏻
CADAALADA SPORTS KA 🫡🤝

18/06/2026

🚨 BOOM 💣

MCC iyo Jaziira ayaa galabta ku kulmaya Stadium Mogadishu.

Labadan kooxood waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, waxaana jira hadal-heyn xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada wax is daba marin.

⚠️ Madaxa Tartamada iyo Guddoomiyaha Garsoorka Soomaaliyeed ayaa digniin culus diray, iyagoo sheegay in ciddii lagu helo fal noocaas ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah, halka ciyaaryahannada ku lug yeeshana laga ganaaxi doono kubadda cagta.

👀 Indhaha taageerayaasha oo dhan waxay maanta ku jeedaan kulankan.

17/06/2026

🚨 SUUQA SNL | JEENYO 🔥

Daafaca reer Nigeria 🇳🇬 Ogbu Vincent Onminye ayaa si rasmi ah ugu biiray Jeenyo. Ciyaaryahanka ayaa shalay kasoo degay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu dhawaan kasoo muuqdo safka kooxda. 🔥

⏳ Iyadoo suuqa SNL uu ka harsan yahay 3 maalmood oo kaliya inuu xirmo,

17/06/2026

Laadarka Dagmooyinka oo fardibxaayo ayeey idiin soo wadaa PuntGoal 🙆🏿‍♂️ 🫣🫣

17/06/2026

🔥 Raadsan ayaa 5-1 ku xasuuqday G-Afgooye!

14-kii kulan ee ay G-Afgooye ciyaartay Horyaalka Heerka Koowaad ee Dalka, waxaa laga dhaliyay 71 gool. 😳

71 ÷ 14 = 5.07 ⚽

Taasi waxay ka dhigan tahay in kulankiiba celcelis ahaan laga dhaliyay in ka badan 5 gool.

Deeq Aariyo 🗣️Reer Afgooye pls Beerihiina ma falan kartaan waxaan shaqadiina ma ahee 🙏🏽

17/06/2026

🚨 Mucjisooyinka ka socda World Cup-ka! 🌍✨

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dadaal ugu jirta inay fududeyso safarka hooyada goolhayaha Cape Verde ee Vozinha, kadib markii ay h**e ugu adkaatay kharashaadka fiisaha iyo safarka.

Halka garsoorihii Soomaaliyeedna, isagoo wata dal-ku-gal sax ah, dib looga soo celiyay garoonka diyaaradaha. 😳🇸🇴✈️

17/06/2026

🚨 Wararka Kismaayo

Warar naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in Mr Shaanya loo qorsheeyay xilka Guddoomiyaha Sports-ka Degmada Kismaayo, balse uu ka cudur daartay qabashada xilkaas.

Sidoo kale, waxaa jirta suuragalnimo weyn in xilka loo magacaabo Mr Sade oo reer Gulwade ah

Wixii kusoo kordha, halkaan kala soco.

17/06/2026

🚨 Match Day SNL

Kooxda Raadsan oo ku jirta xaalad adag ayaa maanta isku dayi doonta inay madaxa ku dagsato kooxda G-Afgooye, oo caan ku ah 90-ka daqiiqo inaan la istaagin

16/06/2026

Xoog hadduu wax tari lahaa Africa ayaa wax ku qaadi laheed Kalidou Koulibaly Ilmo ayaga dhan 60Kg ah ayaa ku or orday 😂😂

Koobka xagga hanoola dhigo 😂🤝

16/06/2026

Filim Atoorayaal badan nah malahan waanse arki doonaa 😂

16/06/2026

War tanoo kale 🙆🏿‍♂️

Mark oo dhowaan uga soo wareegay MCC kuna biiray Heegan ayaa durba saameyn weyn sameeyay, isagoo 2 kulan kaliya ku dhaliyay 2 gool.

Halyeeyga MCC ee Ciise Marsis ayaa dhankiisa 12 kulan ku dhaliyay 2 gool

Vous voulez que votre personnage public soit Personnage Public la plus cotée à Nevers ?
Cliquez ici pour réclamer votre Listage Commercial.

Téléphone

Adresse

31 Rue Du Colonel Jeanpierre
Nevers
58000