Gode Public Library Real Page

Gode Public Library Real Page

Share

Educational Development Organisation

Photos from Gode Public Library Real Page's post 23/10/2025

Caqabadaha mashruucca dhismaha maktabaddu lakulmay iyo kuwa wali taagan.
==============////////=====////////============
Caqabadda koowaad ee sababtay jiitanka bilowga mashruuccan waxay ahayd helitaanka dhul laga dhiso maktabadda oo adkaaday.
10ki July 2019 waxaa lagu wareejiyay guddiga dhismaha maktabadda xarunta dhalinyarada MMG muddo yar kabacdina waxaa soo baxday inay macquul ahayn in dhismuhu noqdo xaruntaas sababo badan oo jiray awgeed waxaana mar labaad loo badalay schoolka mashkooke iyadoo hawlwadeennada lawareegeen warqadda caddaynta 12 ka August 2020 halka siwada jir ah loo dhagax dhigay schoolka mashkooke 18 August 2020.
Waxaa lagu dhisay bakhaarki dhismaha goobti ladhagax dhigay 21 April 2021 iyadoo loo diyaar garoobay bilowga shaqada dhismaha.
Wuxuu mar saddexaad hakad kuyimid bilowgii dhismaha sabab laxidhiidha dhulka oo la go'aamiyay in loo badalo mar saddexaad garoonka weerar iyadoo si rasmiya dhismuhu ubilowday 21 Nov 2022.
Iyadoo Muddo kudhow Afar sano ay shaqadu utaagnayd sabab dhul laxidhiidha wali dhulka dhismaha laga bilaabay lama hayyo sharcigiisi waxayna arrinkaas hor istaagtay dadaallo muddo lawaday oo taageero lagaga heli lahaa deeq bixiyaal danaynayay kaqayb qaadashada mashruucan.
Caqabadaha kalee dhulka ka baxsan post ga xiga............

Photos from Gode Public Library Real Page's post 18/10/2025

Marxaladaha uu soo maray mashruuca Godey Public Library.
Hindisaha iyo dhaqdhaqaaqyo kusaabsan maktabad akhris ooy yeelato magaalada Godey waxay soo bilaabatay dabayaaqadii 2018.
Kooxda bilowday dhaqdhaqaaqyadaas waxay kuguulaysteen inay bulshada kubeeraan riyadaas iyagoo qabtay dood cilmiyeedyo iyo fagaarayaal waawayn.
Dood cilmiyeedyaas iyo fagaarayaashaas waxaa ka abuurmay in lahelay dad badan oo danaynaya inay dhaqdhaqaaqyaaas qayb ka noqdaan iyadoo kooxba ay koox usoo dhiibaysay, waxaana qayb kasoo noqday dhaqdhaqaaqan dad boqolaal gaadhaya oo isugu jira dhalinyarada iyo aqoon yahanka magaalada iyo dadka kashaqeeya arrimaha bulshada sida tabarucaadka IWM.
Kooxahaas is badbadalayay koox walba waxay ukala fakanaysay sababo kala gadisan ooy kamid yihiin:
1. Qaar kooxaha kamid ahaa oo xamaasadda raacay kadibna iskaga hadhay markay noqotay in laqabto shaqo culus oon wax faaiido shakhsi ah kasoo galaynin.
2. Inay qaarkood aamineen inayna macquul ahayn in Riyadan larumeeyo.
3. Inay qaarkood kucajiseen daba socodka mudada dheer iyo horumar yaraanta hawshan.
4. Iyo qaar badan oyna caddayn sababta ay uga hadheen.
Ugu dambayn koox kasoo hadhay kooxahaas isu dhiib dhiibay hawshan oo illaa maanta gacanta ku hayya ayaa muddo badan oo kudhow 7 sano daba socday hawsha dhismaha maktabada.
Waxaan idinla wadaagaynaa caqabadaha lala kulmay muddadaas post ga xiga.

06/10/2025

Bayaamin: Waxaan idinla socodsiin doonaa warbixin kusaabsan dhisamaha maktabada Godey, sida:
1. Marxaladaha ay soo martay.
2. Caqabadaha ay kasoo gudubtay iyo kuwa wali kugadaaman.
3. Dadaallada dhaqaale ee lasameeyay iyo wixii kamidho dhalay.
4. Dhaqaale maxaa soo xarooday iyo sidee loo maareeyay?
5. Maxaa xiga (maxaan qaban karnaa?

Halkan kala socda haddu Allah idmo

Guddiga maktabadda.

01/09/2024

Waxaa si habsami leh usoo dhamaaday labo cisho oo ka waxtar iyo faaiido badnayd 2 Sano, waa oo kaqabsoomay caasimadda Godey Gacalo.
Sidii lafilayay ba waxay hawl wadeennadu soo bandhigeen in qodobada ugu muhiimsana ee kulan waynahan gunaanadkiisa laisla qaadan doono uu kamid yahay dhaqaajinta dhismaha Godey Public library iyadooy hawlwadeennada munaasabaddan ugu baaqeen bulshada gobolka shabeele iyo magaalada godeyba inay utafa xaytaan dhismaha library ga.
Waxaan sugnaaba waa dardargalinta dhismaha maktabadda.

01/09/2024

Aad Bay umahadsan yihiin kooxda aqoonyahanka ah ee qabanqaabiyay Godey International Book Fair sida lahaanshaha leh eey uga hadleen dhismaha maktabadda Godey.
Waxaana rajaynaynaa inay bixin doonaan dadaallo wax kuool ah oo lagu dardar galinayo dhismaha iyo diyaarinta maktabadda Godey.

23/11/2022

Biyo galinta mashruuca dhismaha Maktabadda Godey.
Waxaa dadaal badan kubixiyay biyo galinta oon uga mahadcelinaynaa xafiiska adeeg bixinta MMG iyo wakaalada biyaha MMG.

Photos from SRTV  Somali's post 21/11/2022
Photos from Gode Public Library Real Page's post 21/11/2022

Maalinki 1aad ee shaqadi dhismaha maktabadda Godey.

20/11/2022

Cusub ee Maktabada Dadweynaha ee Godey (Godey Public Library)

Photos from Gode Public Library Real Page's post 20/11/2022
Photos from Gode Public Library Real Page's post 20/11/2022

.

Barri oo Isniin ah taariikhduna kubeekan tahay November 21, 2022, waxaa si rasmi ah loo bilaabayaa dhismiha Maktabadda Dadwaynaha Godey (Gode Public Library).

Maktabadda oo lagu dhisayo abaabul bulsho iyo kaqayb gal dawladeed ayaa dhismaheeda oo in muddo ah lasugayay laga bilaabi doonaa magaalada Godey.

Waxaan bulshada jecel cilmiga iyo mutadawiciinta kacodsanaynaa inay kaga qayb qaataan xoog, xoolo iyo xeelad waxay awoodaan.

Waxaan sidoo kale kacodsanaynaa shirkadihii, shaqsiyaadki iyo maamullada degmooyinka ee hadda kahor lacagaha uyaboohay inay fuliyaan yaboohoodi.

Waxaan mar kale ka warbixin doonnaa sooyaalka uu soo maray hindisa Maktabada, dadaaladii lasameeyey, caqabadihii ka horyimid iyo qorshaha iminka.

Mahadsanidiin.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Gode?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Mashkoke School Street
Gode