Garas Media
Garas Media
Amaro culus oo dhaqaale lixiira kana soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayuu saakay u xiranyahay suuqii weynaa ee Bakaaraha.
11/05/2026
“Caawa dagaal kooban ayaa ka dhacay kantaroolka Ban-Qiyaame ee duleedka magaalada Baydhabo. Lama oga cidda weerarka soo qaaday, waxaana weli ka aamusan Fahfaahinta laamaha ammaanka Baydhabo.”
11/05/2026
Taliye Macalin Mahdi “Qof Xildhibaan ah ama Mas’uul h**e xil u soo qabtay oo rabsho iyo dhiig-daadin doonaya inuu saamayn siyaasadeed ku raadiyo waa arrin liidata, kana tarjumeysa masuuliyad-darro iyo xilkasnimo la’aan, Gacanta ayaa laga qabanayaa isaga iyo cid kasta oo carqalad ku ah amniga iyo xasilloonida Caasimadda.”
11/05/2026
Magaalada Mandera waxaa ka dhacay Banaanbax Looga Soo Hor-Jeedo Ciidamada Jubbaland ee ku Sugan Deeganka Cumar Jilacow ee Magaalada Mandera.
Bananbaxaan ayaana ku soo aadaya xili 6 qof oo rayid ah lagu dilay Deeganka Carabia ee iIsmaamulka Mandera
DEGDEG: Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa sii xoogeystay, kadib shir jaraa’id ay qabteen xildhibaano ka tirsan Galmudug oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka.
Xildhibaannada ayaa sheegay inay garab taagan yihiin doorashada ay waddo Dowladda Federaalka, isla markaana cid kasta oo qabata hannaan ka duwan ay ka soo horjeedaan.
"Dhibaatada Soomaaliya waa Xasan Sheekh, macalin Mahdi iyo Mahad Salaad, askata waa la dhibaa" Xil.Faaiso Jayte.
CclC Warsane " Xildhibaan aan damiir lahayn oo dhulal soo qaatay ayaa dhaleecaynta Mucaaradka la soo taagan"
"Madaxwayne Xasan marna in aan banaanbax xaq u leenahay ayuu sheegay marna in aan AS la mid nahay"C.kariin Guuleed.
"Madaxwayne Xasan waxa uu baneystay dhiigeena" Rw Khayre.
11/05/2026
Ciidanka Kumaandooska Gorgor Ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar casri ah ku qaadanaya dalka Turkiga.
Iyagoo baranaya Adeegsiga Nidaamka computerada goobta dagaalka iyo adeegsiga qalabka lagu hago diyaradda aan duuliyaha laheyn (drones).
Tababarkan ayaa diiradda saaraya Hagista iyo adeegsiga drones-ka iyo Diyaaradaha yaryar.
Tani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda difaaca ee Somalia, iyadoo iskaashiga milatari ee kala dhexeeya Turkiga uu sii kordhayo si loo sugo amniga guud iyo Xasilloonida Dalka.
11/05/2026
War Deg Deg : Mucaaradka oo ku dhawaaqay in 16-ka May oo ku aadan Sabti ay qaban doonaan Banaanbax kale oo weyn, Waa maalin keddib muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Baydhabo
616