Musadiq

Musadiq

Share

Welcome To our PAGE
Musadiq Somali || waxaad ka heli doontaa Wararkii udanbeeyay, Barnaamijyo Xiiso

27/04/2025

Dhaguhu iyo faka isma maqlaan ayadoo jeelaasha ay ka buuxaan dad aan la caddayn sababta ay u xidhan yihiin, ciddii hadashaana la gaynayo xabsiga, ayay haddana xukuumaddu qoraysaa amni iyo xoriyaddan,oo kale deegaanka ma soo marin. Hadda ogow dad ayaa u xidhan fikir ay dhiibteen kali ah.

Maxay kulatahay?

13/01/2025

Maxamed-shugri Tabaan Shaafici waxaa uu kamid yahay da’yartii kudhalatay Jeel-ogaadeen 2014.

Saqiirkan waa mid kulan saday nasiib iyo nasiib darro maadaama uu ku dhashay goob dad badan lagu iqaabi jiray oo ay hooyadii Ruqiya Yuusuf Khadib kamid tahay asagoo nabad qabana uu ka soo baxay balse maanta asaga iyo hooyadiiba waa kuwo caafimaad qaba .

Soobar baar Maxamed-shugri noqo mid dadkiisa iyo waalidkiiba anfaca inshaa allaah.

22/12/2024

Ciidanka deegaanka Soomaalida marka ay Canfar ladirirayaan waa ciidanka Deegaanka marka ay alqushaash ladirirayaan waa ciidanka deegaanka, marka ay Oromo ladirirayaan waa ciidanka deegaanka.

Laakiin marka ay dadka cidhifyada deegaanka dagan sharciga ilaaliya oo u hoggaan sama doowladda dhahaan marka ay nabad galyo darro sameeyaan gabi ahaan ciidanka waxaa loo xidhaa shaadh qabiil ayagoo nabaddooda sugayana waa lalaayaa,aadbayna u soo laalaabatay arintan.

Midkale waxaa aad loo sheegaa in ay haween iyo caruur laayeen haddii ay laayeen waa sharci darro waana in laqabto askariga falkaa sameeyay ayadoo qabiil madax loo saaraynin waxaana dambigaa leh doowladda iyo ciidankeeda maxaa qabeel meesha keenay.

Maxaytahay sababtu?

17/11/2024

Taariikhda inta la diwaangaliyay deegaanka Soomaalida dhimashadii ama xasuuqii u badnaa waxaa uu dhacay inta uu madaxweyne ka ahaa deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa ciidda hoos maray haldoorkii iyo halyeeygii deegaanka waxaana asay loo saaray lana kufsaday dumar badan oo mustaqbal iyo aayo kalahaa dunidan.

Dadka deegaanka ku nool ayaa u qaybsamay afar marxaladood kuwo ka qaxa deegaanka ayaga iyo qoyskooda, kuwo u sacabbeeya xukunkii markaa jiray, kuwo la dirira iyo qaar afkooda haysta oo dhankii loo jiidaba raaca kadib markii ay waayeen dhan ay u ciirsadaan.

Shacabka deegaanka ayaa la qabsaday cabudhinta iyo xasuuqa waxaa uuna yar iyo weyn noqdeen kuwo isku fiirsada dulmiga iyo xasuuqa oo midba midka kale ugu hanjabo dowladda ayaan kujiraa iyo car hadal, waxaana mararka qaar dhici jiray in dadka loo dilo arrimo ka baxsan system-ka dowladda oo nidaam shaqsiyadeed ah.

Dhanka kale waxaa marag-madoon ah in 6-dii sano ee ka dambaysay isbadalkii dhacay ay shacabku ka nasteen laxawgii iyo hagar daamadii inta badan lagu hayay walow loo aanayn karo dhib yaraanta kajirtay xukunka maanta, ururadii kajiray deegaanka oo gabi ahaanba hubka dhigay, waxaa biyo k**a dhibcaan ahaan lahayd in xaalku sida maanta ka duwanaan lahaa haddii deegaanka uu joogi lahaa hal wiil oo hubaysan oo ka soo horjeeda xukuumadda maadaama, deegaanno kamid ah dalka Itoobiya ay holcayaan sababo la xidhiidha diidmo ay diideen system-ka maanta jira iyo hab maamulka xukuumadda dalka Itoobiya ee maanta.

maxay kula tahay haddii ay jamhado hubaysan jiri lahaayeen nabadan ma haysan lahayn mise sida tii h**e ayaa lays qalan lahaa?

03/03/2024
Photos from Lumaan cade Jabane's post 08/02/2024
07/02/2024

Labo masuul oo ka fiican dhamaan inta maanta shaqaysa abaal marina looga dhigay in dhulka lala galo oo bilaa shaqo la diro.
____________________
Waa labada maasuul ee mudnaa in lagu abaalmariyo wanaaga iyo jaceylka ay ka kasbadeen shacabka karti iyo firfircooniba ay lahaayeen

Waxay ahaayeen labadii masuul ugu fiicnaa masuuliyiinta la soo shaqeeyay xukumada madaxwayne mustafe

Labadan masuul dhanka ballan ka iyo axdiga aad bay u ilaalin jireen. Qofkii wax u doontana waxaa uu kala kulmi jiray wanaag.

Calaa kulli xaal anagu haddaan nahay shacabka uma hiilin karno Se waxaan ugu hiilin karnaa kaliya inaan sheegno oo aan qirno xaqiiqda ah iney ahaayeen labo masuul oo ka fiican dhamaan inta maanta shaqaysa.

Website